Dagaalkii Xawaaladaha iyo Ujeedooyinka Qarsoon Ee Iiga Soo Baxay!

0
1470

Somaliland kaalin noocee ah ayey ku yeelan kartaa heshiiska shirkadaha xawaaladaha?

Dhawaan ayuun bay ahayd markii aynu ku war helnay muruga adeega ZAAD iyo xawaalada worldremmit oo dibada u soo baxay ka dib markii shirkada Hormuud oo leh adeega ZAAD ay sameysatay xawaalad la yidhaahdo PAYSEE isla markaana qayb ka ah adeegyada shirkadaha isgaadhsiinta ee Telesom & Hormuud .

Waxaa sababay in murugaasi dibada usoo baxo ayaa ahaa in khidmada lagu kordhiyey xawaaladihii kale ee lacagaha loogu soo diri jirey adeega ZAAD oo ay heshiis kula jireen si loo adeegsado adeega ina Jimcaale furtay ee Paysee .

Haddaba waxa isweydiin leh maxay ku kala duwan yihiin adeegyada iyo shirkaduhu ? Worldremmit waxa ay ahayd xawaalada kaliya ee ku dartay dalalka ay ka shaqayso magaca dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo calanka halka kuwa kale oo dhami Somaliland ka dhigeen qayb ka mid ah Somalia.

Waa marka labaad e waxa ay ahayd xawaalada ugu qiimaha jaban lacagaha khidmada ah ee macmiilka laga qaado isla markaana sameysay appka qofku isaga oo gurigiisa jooga uu lacag diri karo kaasi oo hada xawaaladaha kale wada sameysteen.

Arimaha cusub ee uu iftiimiyey muruga ZAAD iyo Worldremmit waxa uu ahaa in adeegani aanay dadka Jamhuuriyadda Somaliland ku lahayn saami badan sida ay ugu leeyihiin adeega isgaadhsiinta ee Telesom , isla markaana dadkeenu ma fahamsana in adeegyada shirkaduhu bixiyaan ay badan yihiin oo dad kala duwanina leeyihiin .

Isku soo wada xoori waxa isweydiin leh haddaba si aan dhaqaalaha dalku ugu ururin in kooban sida uu dhigayo dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Qod 11naad faqradiisa 2aad iyo 3aad waa in xukuumadu wax ka qabato arimaha hadda la isku hayo iyada oo aan loo danaynayn cid gaar ah .

Sidoo kale dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 13naad waxa uu sheegayaa siyaasada iyo ilaalinta lacagta oo ah awoodaha baanka dhexe , qodobkani waxa kale oo uu ogolaanayaa baananka ganacsi iyo kuwa gaarka ahba, markaa waxaa hada jirta in nidaamka lacageed ee dalku u wareegay lacagta teleefanada ku jirta ee lambarada ah ( electronic money ) kaalin noocee ah ayuu baanku ku yeelanayaa ?

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here