Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid Oo Maanta Kullan Ballaadhan Oo Qado Ah Ku Qaabiley Haldoorka Kasoo Jeeda Gobolka Gabiley.+ SAWIRRO

0
930

Hargeysa, (HargeisaPress) —Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa kullan ballaadhan oo qado ah ku qaabiley Haldoorka, Waxgaraad, Siyaasiyiin miisaan culus, aqoonyahano iyo dhalinyaro kasoo jeeda Gobolka  Gabiley.

 

Kulankaas oo ay Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid iyo haldoorkani iskaga xaal wareysteen xaaladda guud ee dalka iyo wada noolaanshaha ummadda reer somaliland sidii loo mideyn lahaa. Iyo weliba sidoo kale, taageero lexaadleh oo ay la garab taagan yihiin Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ay ku sheegen shaqsiga keliya ee ku haboon inuu hoggaamiyo Somaliland Mustaqbalka dhow.

qado 3

Waxa kaloo, ay waxgaraadka kasoo jeeddo deegaanka Gabiley sheegen inay taageersan yihiin Musharraxa Madaxweyne Xisbiga Ucid, iyagoo sheegeen in maanta dalka badbaadiisu ku jirto in la taageero aqoonyahan Jamaal Cali xuseen oo aan godob lahayn oo nadiif ka ah boobka iyo xatooyada lagu hayo hantidii umada halka kuwa kale ay yihiin qaar ku suntan dhibaatooyinka ragaadiyay dhismaha qaranka Somaliland ee ay ka mid tahay Maamul xumo, Musuqmaasuq Qabyaalad, Sharcigii iyo dawladnimadii oo fadhiid laga dhigay, waxanay cod dheer ku sheegen in maalinta doorashada ay reer gabiley u mideysan yihiin inay Cod siiyan Jamaal Cali Xuseen.

qado 4

Haldoorka Siyaasiyiintan Gobolka Gabiley ayaa waxa hormood u ahaa Cabdi Aamin oo ah siyaasi Ruug cadaa ah xilal badana kasoo qabtay Dawladii Somalia iyo Somaliland kana mid ahaa aasaasayaashii kulmiye. Ex Mayor Gabiley Maxamed Cabdillaahi Habane, Cabdillaahi Muuse Shiil, Sh. Xasan Cumar Liibaan, Odayaal iyo dhalinyaro kale.

qado 2

Gabagabo dii waxa laga hadalay sidii looga qayb qaadan lahaa diiwaangelinta codbixiyayaasha loona samayn lahaa Wacyigalinta Bulshada ee qaadashada kaadhka codbixinta oo bishan horaanteeda ka bilaabmi doonto Gobolada Gabiley. Baligubadle iyo Saaxil.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here