HargeisaPress โSiyaasi Maxamed Gacayte ย ayaa si adag uga hadlay khilaafka xisbiga UCID, soona bandhigay shirweynihii golaha dhexe ee marka lagu doortay musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, Hadaba qoraalka oo dhamaystiran xaga hoose ka Akhriso:
Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen Waa Mid Sharci ah Waxaana Lagu Doortay Kalfadhigii Gole Dhexe Xisbiga Ucid ee Qabsoomay 28 Oct. 2012 Go,aanadii Kasoo Baxay Isla Kalfadhigaas Kuna Saxeexan yahay Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe, Loona Gudbiyay Dhamaan Hayโadaha ay Khusayso.
Go,aan Gole Dhexe Ansixiyay Cidina Ma Badali Karto. Waxaan Ugu Baaqayaa Dhamaan Taageerayaasha Musharax Jamaal A. Xuseen iyo Bulshada Reer Somaliland Waxba Kama Badali Karo Hadalka Faysal, Awooda ugu saraysa ee Musharax Dooran kartaa Waa Gole dhexe,
Waanay Doorteen Dibna Looma Burin Karo. Waxa Muhiima in Sharciyada loo noqdo lana ilaaliyo Xeerka Xisbiga iyo Xeerarka kale ee Dalka. Faysal waxa uu Gudoomiye ku yahay Sharci oo Shirweyne ayaa lagu doortay, Jamaal na Waxa uu Musharax Ku yahay Sharci oo Gole Dhexe ayaa Doortay.

Dagaalka Lagu Hayo Xisbiga Ucid iyo Musharax Jamaal Cali Xuseen maaha mid kaligii lagu wado ee waa mid mustaqbalka dhalinyarada Somaliland la doonayo in hankooda iyo himiladooda lagu curyaamiyo, maanta waxaynu ognahay inaan la ogolayn wax isbadal oo dalka ka dhaca, waxa la rabaa in siyaasadaa qori isku dhiibka ahi ee dhawr iyo labaatanka sano socotay sidaa uun ahaato.

Halaga wada qayb qaato badbaadinta Ucid waa badbaadinta Somaliland.

Mohamed Gacayte