Muranka Dekeda Ceel-Gardi Waa Fidno Ay Raali Ka Tahay Xukuumada Kulmiye.

0
1097

“Maxay Dawladu Uga Hadli La’adahay Dhismaha Deked Cusub ee Ceel-Gardi?. Hadii Aanay ahayn Fidno Raali laga Yahay”.

Dawladnimadu waa inaad hesho nidaam iyo kala danbayn ku dhisan maamul wanaag, bulshadana ku hogaamiya cadaalad iyo horumar. Maalmahan u danbeeyay waxa warbaahinta laga maqlayay hadalo ay isku jawaabayaan  beelaha walaalaha ah ee wada degan Gobolada Saaxil iyo Togdheer, kuna saabsan dhismaha dekeda Ceel-Gardi oo ku taala deegaanka xeebta bari ee Gobolka Saaxil.

 

Waa nasiib daro in xukuumada maanta joogtaa dhagaha ka furaysato dhawaaqa dhiilada leh ee kasoo yeedhay bulshada ku dhaqan deegaanadaas oo waliba ay warbaahinta isku mariyeen, wax kasii daran maamuladii labadaa gobol haday tahay heer gobol iyo heer degmo (Badhsaab iyo Maayir) cid ka hadashay ma jirto.

 

Hadaba bal Marka hore aan iswaydiino yaa awood u leh inuu deked dhiso ama sameeyo? Deked yaa sheegan kara qaran mise beelo? Waa maxay sharciga inooga yaal sida deked loo samaysto iyo cida samayn karta?.

12674251_569775499839513_1644096492_n

Dawladi waxay dawlad ku tahay in maamulka gacanta ku hayso, waxaynu wada ognahay inaan cidi sheegan Karin dekedaha iyo hantida umada ka dhaxaysa waa hanti qaranku wada leeyahay, isla markaana cid gaar ahi ma samayn karto deked iwm. Dekedaha qarankaa wada leh oo gacanta ku haynaya. Dalku baahi wayn ayuu u qabaa inuu dekedo yeesho laakiin waa inay xukuumadu gacanta ku haysaa, deked wal oo Somaliland ku taalaa waa dekedo qaran maaha dekedo cidi gaar u sheegan karto.

 

Arinkan Ceel-Gardi waa arin siyaasadaysan waa fidno xukuumadu raali ka tahay oo ay doonayso in dadka walaalaha ah colaad la dhex dhigo iyo deegaano laysku qabsado oo xaalad abuur ah, dalkan lama doonayo inay doorasho ka dhacdo waxaanay isku dayayaan Talaabo kasta oo lagu carqaladaynayo inay sameeyaan. Waa arin fool xun in xukuumada iyo maamulkii gobolka ee dawlada uga wakiil ka ahaa ka hadli waayo. Ma waxaynu odhan karnaa dawladu ma oga? Jawaabtu waa maya somalidu waxay tidhaa timir lafbaa ku jirta.

 

Waxan M/weyne JSL Axmed Siilaanyo iyo xukuumadiisa uga baaqayaa waar dawladnimadu yaanay gacantiina ku burburin mudada yar ee idiin hadhay, dhibaatada dalka ka taagan waynu wada ognahay, arinkii Tiyaatarka Hargaysa ayaa jira oo la leeyahay M/weynahu dhul uu bixiyay ayuu hadana qof kale siiyay isla dhulkii uun, waxaynu ognahay buurtii Sheekh dhibta ka taagan maanta oo la leeyahay M/weynaha ayaa nin carab ah siiyay iyo Buurtii Gacan-libaax. Imikana waxa timid in Dekedo aanu qaranku lahayn la dhiso oo cidi sheeganayso,  khatar intee le’eg ayay ku yeelanaysaa nabadgalyada qaranka. M/weyne arimahani dhamaantood waa qaar dhaawacaya qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, waxaanay u horseedi karaan fidno iyo colaado aan laga soo waaqsan.

 

Waxan leeyahay Shacabka Somaliland dul haysku lahaado yaan cid dangaara lihi idinkala qaybin isku duubnaada nabadgalyada ilaashano. Ka foojignaada wax kasta oo idin kale fogaynaya.

 

Ilaahay sida khayrku ku jiro hayna waafajiyo.

 

M.A. Gacayte

Falanqeeya arimaha siyaasada iyo bulshada

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here