Muqdisho: Siyaasiyiin Somaliland Ka Soo Jeedda Oo Dhaliilay Wasiir Ka Tirsan DF Soomaaliya

0
462

Muqdisho (HP): Xildhibaano iyo siyaasiyiin ka soo jeedda Somaliland ayaa abaaul dagaal iyo colaad hurin ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay wasiiru-dawlaha wasaaradda Maaliyadda ee dawladda federaalka Soomaaliya.

 

Iyagoona hadalka wasiiru-dawlaha ku tilmaameen mid dhibaato abuuraya, isla markaana sii kala fogaynaya wadahalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Wasiiru-dawlaha Maaliyadda ee dawladda federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeediyay shirkii wada tashiga oo shalay lagu soo gebagabeeyay magaaladda Garoowe, uu ku baaqay in Puntland ay xoog kula soo wareegto goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn oo ay Puntland sheegato.

 

Xubnahaasi isugu jiray xildhibaanadda iyo siyaasiyiinta oo maanta kulan ku yeeshay magaaladda Muqdisho waxay sheegeen in qaabkii uu wasiiru-dawluhu hadalka u dhigay ay u arkaan mid muujinaysa inuu shirkaasi ku tegay tallo ay isla ogaayeen madaxda sare  ee xukuumadda federaalka ah.

 

Hadalkiisana uu ku metelayay Af-ka madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha. Waxaanay ugu baaqeen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya in ay jawaab ka bixiyaan hadalkii wasiiru-dawlaha maaliyadda.

 

Xildhibaan Axmed Maxamed Jaamac, oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in go’aamadii ka soo baxay shirkii wada tashiga ee Garoowe uu u arko mid sii kala fogaynaya wadahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya.

 

“Anigu shakhsiyan shirkii ka dhacay Garoowe, waxaan u arkaa mid fursad siinaya, haddii la bilaabo colaad Soomaaliya iyo Somaliland in ay sii kala fogaato, midnimadii ummada Soomaaliyeed”ayuu yidhi xildhibaan Axmed.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “In wasiir ka tirsan dawladda federaalka ah, uu yidhi Puntland-neey dagaal gal. Anagoo dawladda federaalka ahna waan ku caawinaynaa, waxay u muuqataa in lagu kala fogaynayo ummada Soomaaliyeed”.

 

Geesta kale xildhibaan Axmed Jaamac, ayaa ugu baaqay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya in ay la xisaabtamaan masuulkaasi, maadaama oo ay iyagu xilka u igmadeen.

 

“Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya, waxaan ugu baaqayaa wasiirrada dawladiisa ku jira, ee dagaalkii hore-na ka danbeeyay, dagaalkan maanta-na hurinaya. Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha-ba, waxaan ka codsanaynaa, cid uu u idmay xilkan ay hayaan waa iyaga.

 

In ay kula xisaabtamaan. Waana in ay ogaadaan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaruhu, wasiirro ka tirsan xukuumadoodda, in ay Soomaaliya kala fogaynayaan”ayuu yidhi xildhibaanku.

Dhinaca kale siyaasiyiintii kale ee shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa dhaliilay hadalkii wasiiru-dawlaha Soomaaliya uu ka jeediyay shirkii Garoowe.

 

Waxaanay sheegeen in qaabkii uu wasiiru-dawluhu hadalka u dhigay ay u arkaan mid muujinaya inuu shirkaasi ku tegay tallo ay isla ogaayeen madaxda sare  ee xukuumadda federaalka ah.

 

“Qaylo-dhaantii dagaal ee wasiiru-dawluhu ku dhawaaqay, waxaan u aragnaa in aanay ahayn mid isaga  ku kooban.

Balse ay la ogaayeen madaxda dawladda federaalka Soomaaliya” ayuu yidhi masuul ka mid ahaa xubnihii shirka jaraa’id qabtay.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here