Go’aamo Laga Soo Saaray Shir-Beeleed Burco Ka Dhacay

0
477

Burco (HP): Shir afar maalmood magaaladda Burco uga socday beelaha Garxajis iyo Habar Jeclo, ayaa maanta la soo gebagabeeyay.

 

Shirkaasi ayaa mudadii uu socday waxaa ka soo qayb galay ku dhawaad boqol ka mida madax dhaqameedka labadaas beelood.

 

Gebagebadda shirkaasi ee maanta ayaa waxaa laga soo saaray go’aamo la sheegay in ay isla gaadheen labadan beelood.

Waxaana xidhitaanka shir-beeleedkaasi lagu soo casuumay ergooyin madax dhaqameed ah oo ka kala socday beelaha kale ee dega Somaliland.

 

Ergooyinkii madax dhaqameedka ahaa ee gebagebadda shirkaasi lagu soo casuumay ayaa hadalo kala duwan halkaas ka jeediyay.

 

Sidoo kale waxaa xidhitaanka shirkan joogay maamulka gobolka Togdheer. Waxaana halkaas laga akhriyay go’aamadii shirkan laga soo saaray.

 

 

Halkan Ka Daawo Hadaladii Laga Jeediyay Xidhitaanka Shir-beeleedkaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY