Muqdisho oo Si Weyn Looga-Dabaaldegay Xuska Sannad-guurada 32aad Ee Madaxbanaanida Somaliland

0
918

Muqdisho (Hargeisa Press)- Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa dammaashaad lagu qaabilay xuska sannad-guurada 32aad ee wareegtay markii ay Somaliland lasoo noqotay madax-banaanideedii shirkii Burco ee 18May 1991.

Madasha loogu balansanaa munaasibadda xalay, ayaa waxa soo dhexgalay wax-xoogay khilaaf ah oo hakiyay, taas oo ka dhalatay inay qaban qaabiyayaashu aannay warqad kasoo qaadan hay’addaha amaanka, wallow uu jiray khilaaf iyaga dhexdooda ah.

Hase yeeshee taasi ma baajin dabaaldega munaasibada oo shaaracyada waaweyn ee Muqdosho xalay si weyn looga dareemay, iyadoo ay shacbiga Magaalada Muqdisho si weyn u muujiyeen xuska munaasibadda, isla markaana ay jireen xubno kasoo jeeda Somaliland oo iyaguna door weyn ku laaha abaabulka hawsha iyo agaasimka.

Qaar ka mid ah, ayaa baabuurta ay ku shaqleen calanka Somaliland ee saddexda midab leh ee tawxiidku ku xardhanyahay la dhexqaaday shaaracyada wadooyinka waaweyn, halka kuwa kalena ay barxaddaha waaweyn ka dammaashadayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here