“Dagaalku joogsan maayo inta taako ka mid ah dhulka Somaliland cadow ku jiro…”

0
1476

Hargeysa (HP)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in aanu joogsan doonin dagaalka ay Somaliland kula jirto cadow ku soo duulay gobolka Sool, ilaa inta taako ka mid dhulka Somaliland cadowgu ku jiro.

Madaxweyne Biixi, oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasibadda dabaal-degga 18-ka May ee 32-guuradda la soo noqoshadda qaranimadda Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu ka sheekeeyay taariikhda ay jamhuuriyadda Somaliland u soo martay helitaanka xornimadeedda laga soo bibaalo xiligii gumaysiga, midawgii Soomaalida Talyaanigu gumaysan jiray, iyo halgankii loo soo maray la soo noqoshadda xarnimadda Somaliland.

Taasoo ay ka dhalatay maalintan loo dabaal degayo maanta ee 18-ka May, kadib dagaal hubaysan oo qaatay muddo toban sanadood ku dhaw ku siman.

Muuse Biixi Cabdi, oo khudbadiisa dhinacyo badan kaga hadlay waxaa ugu muhiimsanaa waxyaabihii uu ku soo qaatay xaaladda cilaadeed ee ka taagan gobolka Sool, iyo cida ka danbaysa dagaalkaasi, oo fariin digniin ah u diray.

Geesta kale, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu sheegay in saraakiil hore uga tirsanaa dowladii kacaanka iyo Puntland ay qorshaynayaan in ay Somaliland kala gooyaan, wuxuuna sheegay in layska difaacayo.

Madaxweynaha oo ka hadlayay xuska munaasibadda 18 May, ayaa maamulka Puntland si gaar ah ugu eedeeyay colaada ka taagan magaalada Laascaanood, isaga oo sheegay in uu ku hamiyayo in uu qaato qaybo Somaliland kamid ah.

Waxaanu yidhi “Iyadoo 5 tii Soomaaliyeed mid walba meesheeda lagu ixtiraamo, way iga dhaadhici laadahay in Puntland iyo reer ka halka daga ay ku riyoodaan in ay yidhaahdaan Somaliland badh ayaanu goosanaynaa, hamada intaa leeg halkay ka keeneen”

Waxa kaloo uu sheegay in saraakiil danbiyo galay xiligii dowladii kacaanka ay isku urursadeen deegaanada Puntland si ay Somaliland u waxyeeleeyaan, wuxuuna xusay in Somaliland is difaaci doonto.

“Taliyayaashii Hargaysa, Burco iyo Borama sida u galay ee dadka dhameeyay waxa ka sameeyayna, maanta dhamaantood Garoowe ayay joogaan oo ay ku taamayaan 30 sanno ka bacdi in ay dib u bilaabaan wixii ay gaysteen” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Dhinaca kale, madaxweyne Biixi, waxa uu sheegay in aanu aqbalayn in la yidhaa xadka Somaliland ayaa badh la gooyay isagoo sheegay in dhamaan xuduudaha Soomaalidu burburi doonaan haddii xuduuda Somaliland la faragaliyo sida uu hadalkiisa u dhigay.

Waxaanu yidhi “Dagaalku joogsan maayo inta taako ka mid ah xadka Somaliland uu cadow ku jiro”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here