Mihnadleyaasha Caafimaadka Somaliland Oo La Diwaangaliyay Iyo Nuxurka Khudbad Madaxweyne Siilaanyo U Jeediyay + SAWIRRO

0
967

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad loo asteeyay Maalinta Xirfadleyaasha Caafimaadka Somaliland oo Hargeysa lagu Qabtay. Munaasibada waxaa lagu soo bandhigay lix boqol iyo afartan Dhakhtar oo la siiyay Shahaadada Dhakhtarnimo ama Xirfad yahannimo, kuwaasi oo Komishanka Xirfadleyaasha Caafimaadku Xaqiijiyay.

KGAFAY

Qorshehan ayaa lagu macneeyay Badbaadinta Bulshada kadib markii dalka ay ka soo bateen Dhakhaatiir dibaddaha laga keensado oo aanay jirin cid tayadooda iyo aqoontooda eegtaa “Waad aragteen waxaa hadda inoo yimid dad fara badan oo dalkoodii Nabad galyo darro ka soo kaxaysay ama dhib kaleba ka keentay laakiin, Dhakhtar wanaagsan waxa uu joogaa Gurigiisa, markaa dhakhtarka wanaagsan ee Khabiirka ahi dalkiisa ayuu joogaa. Innaga dhakhaatiirteena caanka ah ee aynu naqaano mid dibaddaha u shaqo tagay kuma jiro” ayuu yidhi Gudoomiyaha Komishanka Mihnadleyaasha Caafimaadka Dr Axmed Xaashi Oday

KAKA

Dr Oday oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhii “640-ka aanu Maanta  warkooda dhamaynay ee Shahaadada siinay,waxaa weheliya in Shahaadadani tahay tii Diwaangalinta.Diwaangalintu waa mar kaliya Nolosha laakiin,waxaa soo baxaya Liisankii oo Sannadle ah. Ninkasta oo maanta qaatay Liisanka iyo Shahaadada waxa uu bixinayaa Fiiga liisanka iyo Shahaadada,halkaana waxaa ka soo baxaya Dakhli xoog leh oo Miisaaniyadda dalka ku soo biiraya.”

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu si balaadhan ugu mahadceliyay Guddida Mihnadleyaasha Caafimaadka oo ku hawlan xaqiijinta Xirfadda aqooneed ee dhakhaatiirta dalka ka hawl galaya. Waxa uu sidoo kale umahadceliyay Dhakhaatiirta aqoonyahanka ah ee Somaliland oo halkaasi ku sugnaa.

KKAKAU

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay inuu gacan ka gaysanayo Qorshaha lagu hubinayo Khibradda iyo Aqoonta dhakhaatiirta Somaliland ka hawl galaysa ee dibadaha ka imanaysa ama dalkaba joogta.

“Farxad weyn ayay ii tahay inaan Maanta ka soo qayb galo Xafladdan Qiimaha iyo Qaayaha wayn leh.Caafimaadku waa wax Muhiim u ah Mushatamaceena iyo Umadda oo dhan. Ilaalintiisa iyo wax ka qabadkiisuna waa waxa ugu weyn ee Umadda loo qaban karo.haddii anagu aanu nahay dawladdana wax alle wixii aanu ka qaban karo waanu ka gaysanaynaa.haddii maanta ay tahay Himiladdu ilaalinta iyo badqabka Bulshada iyo diwaangalinta iyo waxka qabadka dhakhaatiirta,annagu waxaanu diyaar u nahay inaanu wixii waajib iyo xil naga saaran ka gudano oo wax ka qabano. Waxaan bogaadinayaa hay’addaha hawshan ku shuqulka leh, waxaanan ka balanqaadayaa in wixii xaggayaga looga baahdo aanu wax kala qabanayno” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

KAKAA

Komishanka Mihnadleyaasha Caafimaadka iyo Wasaaradda Caafimaadka oo iskaashanaya ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku hawlanaa wax ka qabashada Dhakhaatiirta ku soo badanaya Somaliland,iyadoo sidoo kale la mamnuucay Xayaysiisyada Saxaafadda iyo ilaha kale ee isgaadhsiinta ka baxa.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here