Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo War Ka Soo Saaray Tallaabadii Lagu Caydhiyay Francisco Madeira

0
638
Midowga Musharaxiinta Mucaaridka Soomaaliya

Muqdisho (Hargeisa Press) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya, ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku caddeeyay mowqifkooda ku aadan go’aankii ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu Soomaaliya kaga eryay wakiilkii gaarka ahaa ee Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira.

Midowga Musharaxiinta, ayaa sidoo kale soo dhoweynayaa go’aankii ka soo baxay xafiiska Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo lagaga dalbay in uu Soomaaliya muddo 48 saac ah uga baxo Danjire Francisco Madeira.

Waxaa kale oo Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ay ku booriyeen ururka Midowga Afrika in ay soo magacaaban ergay xoojiya xidhiidhka Soomaaliya, hufnaan iyo sumcad leh, dhexdhexaad ka noqda khilaafaadka siyaasadda, taageerana geedisocodka nabadda Soomaaliya.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu soo dhoweynayaa go’aanka ka soo baxay xafiiska Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo lagaga dalbay in uu Soomaaliya muddo 48 saac ah uga baxo Danjire Francisco Madeira oo ahaa ergayga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa hawlgalka ciidanka AMISOM.

Goluhu wuxuu rumaysan yahay in go’aanka Raysal wasaaraha uu ahaa mid loo baahnaa, si ka fiirsi lehna looga baaraan degay, si loo xaqiijiyo madaxbannaanida dalka iyo in aan la aqbalin xagal daacinta hawlaha nabadaynta ama hurinta khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaalida dhexdeeda ah.

Goluhu wuxuu marar badan ka dalbaday Danjire Madeira in uu dhexdhexaad ka noqdo arrimaha Soomaaliya, iyadoo hore dacwad qoraal oo ka dhan ah u gudbiyey Midowga Afrika gaar ahaan Golaha Nabadgelyada iyo Amniga ( Peace and Security Council) oo dalka booqasho ku yimid.

Goluhu wuxuu amaan ballaadhan u jeedinaayaa ururka Midowga Afrika dadaallada ay ka wadaan Soomaaliya, wuxuuna ku boorrinayaa in ay soo magacaaban ergay xoojiya xidhiidhka Soomaaliya, hufnaan iyo sumcad leh, dhexdhexaad ka noqda khilaafaadka siyaasadda, taageerana geedisocodka nabadda Soomaaliya.

Goluhu wuxuu ku baaqayaa dardar gelinta jadwalka doorashooyinka Soomaaliya, iyo dhaarinta xildhibaannada cusub ee loo ballansan yahay bisha April 14, 2022, wuxuuna rajaynayaa in doorashadu ku dhacdo mudadii loogu talo galay si nabdoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here