Jaaliyadda Somaliland Ee Jabuuti oo Caawinaya Dadkii Ganacsigu Kaga Gubtay Suuqa Waaheen

0
996

Djibouti (Hargeisa Press) – Jaaliyadda Somaliland ee dalka Jabuuti, ayaa balanqaaday inay taageero weyn ka gaysan doonaan, dib u xoolaynta dadkii ku ganacsan jiray suuqi gubtay ee Waaheen.

Haweenka jaaliyadda Somaliland ee ku nool dalka Jabuuti, ayaa sheegay in ay rajaynayaan in shacabka Somaliland ay ka soo kabtaan masiibadii dabkii baabi’iyay dhaqaalahood, waxaaanay intaas raaciyeen in qayb ka qaadan doonaan taageerada ganacsatada hantidoodii ku waayay dabkii suuqa halakeeyay iyo dib u dhiska suuqaasiba.

Waxa kale oo jaaliyadda Jabuuti ay amaaneen madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, oo ay tilmaameen in uu wefti deg deg ah u diray Somaliland, isla markaana uu dareen walaalnimo kaga jawaabay masiibadii dabkii baabi’iyay suuqa Waaheen.

Haweenka jaaliyadda Somaliland ee dalka Jabuuti oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi.”Haddii aanu nahay haweenkii reer Jabuuti ee danaynayay danaha Somaliland, in aanu walaalahayo la qaybsano masiibadii dabkii baabi’iyay hantidooda.

Waanu idinla qabna dareenka mashaakilka idinku dhacay, ILLAAHEYna waxa aanu idiinka baryayna in cawil khayr qaba idiinku baddelo.

Si weyn ayaanu uga qamqanay masiibadii ka dhacday suuqa Waaheen, haddii aanu nahay haweenka waddanka Jabuuti, waxaanu aad uga murugaysanahay dhibaatada ka dhacday suuqa Waaheen, dadkaasi hantidoodu ku baaba’day dadka maanta iyaga oo maalqabeen ahaa caydha noqday, ALLE wax ka baraka badan gacmihiina ha soo galiyo.

Waxa kale oo aan halkan uga hanbalyaynaya madaxweynahayaga Jamhuuriyadda Jabuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo baaqii Somaliland daqiiqado gudahood kaga jawaabay, oo wefti diray, lana qaybsaday dareenka dawladda, shicibka iyo dadka kale ee dhibaatadu ku dhacday ee maalqabeenka ahaaba.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here