Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo Go’aan Ka Soo Saartay Kiiska Coldoon

0
605

Hargeysa (Hargeisa Press) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa waxaa ay maanta go’aan ka soo saartay kiiskii loo haystay Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Maxkamadda, ayaa waxaa ay ku dhawaaqday in Cabdimaalik Muuse Coldoon wax dambi ah lagu waayay.

Xukunka ay saaka maxkamadda gobolka Maroodi-jeex soo saartay, ayaa ka dambeeyay ka dib kiis muddo dheer soo socday.

Hasse-yeeshee, Xeer Ilaalinta Qaranka Somaliland, ayaa racfaan ka qaadatay Go’aanka ay maanta maxkamadda gobolka Maroodi-jeex gaadhay.

Coldoon, ayaa xabsiga ku sii jiri doona tan iyo inta go’aan laga gaadhayo racfaanka xeer ilaalinta.

Ciidamada Booliiska Somaliland, ayaa Cabdimaalik Muuse Coldoon xidhay bishii August ee sanadkii aynu soo dhaafnay.

Sida ku xusan warqadda xeer ilalinta, Coldoon ayaa waxaa loo haystay dhowr eedeymood.

1:in uu bartiisa Facebook uu ku faafiyay warar dacaayad iyo been abuur ah oo ka dhan ah Dugsiga Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo.

2: Qodobka kale ee lagu soo oogay Cabdimaalik, ayaa sidoo kale ahaa in “dacaayad qaran dumis ah” uu fidiyay.

3: Dacwada kale ee lagu soo oogay Cabdimalik in uu “cambaareeyay Qaranimada Somaliland”.

Qareenkii u doodayay Cabdimaalik Muuse Coldoon Jamaal Mandeela, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay kiiska ku guuleysteen.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan dacwadaasi ku guuleysano, balse waxaan ka xunnahay inuu wali xabsiga ku sii jiro iyadoo maxkamda ay amartay in xorriyadiisii dib loogu soo celiyo,” ayuu yidhi Qareen Mandela.

“Waxaan ka xunahay iyada oo uu sharciga dhigayo in marka ay maxkmadda ku dhawaaqdo in uu albaabka ka baxo in xafiiska xeer ilaalinta markiiba racfaan qaatay oo uu ku dhawaaqay in ay racfaan qaateen islamarkana aanu xorriyadiisii aanu wali wada helin Cabdimaalik oo wali uu sii xidhan yahay,” ayuu intaa ku daray. Wuxuu intasi ku daray, “Taasi sharciyan waa arrin gef ah sharcigana wuu mamnuucay , waxaa uuna sharciga dhigayaa in qofka marka ay maxkamada ku dhawaaqdo in la sii daayay markiiba uu albaabka ka baxo,” ayuu yidhi qareenkii u doodayay Cabdimaalik.

Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Somaliland, ayaa ilaa iyo hada ka hadlin eedaymaha ka soo yeedhay qareenka Coldoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here