Maxay Tahay Farriinta Garnaqsi Ee Madaxweyne Biixi U Diray Midowga Afrika?

0
1084

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Ururka Midowga Afrika ugu baaqay in uu derso waxa ay isku hayaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay inuu Midowga Afrika ay mudan tahay inay tixgeliso shacabka Somaliland, haddii aan wax loo tareyn in la siiyo inuu sida u isagu doortay lagula shaqeeyo oo ah inuu qarannimo madaxbannaan ah doortay.

“Qaranku wuxuu ku dhisan yahay in looga gar qaado xadkii ma jabineyno sharci Afrika, sharciga Afrika u dhigan ee xududihii isticmaarka ha la joogo ma jabineyno, Axdi qarameedkeeda ma jabineyno, cidna dagaal kuma wadno walaaladayada ayaa khaldan oo leh aan wada gubannee soo hadha.”ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Ururka Midowga Afrika ugu baaqay inay eegaan qaraarkii 2005tii ee ahayd in ay Somaliland waafaqsan tahay xuduudihii isticmaarka.

“Ururka Afrika ee xaruntiisa Addis Ababa tahay waxaa looga baahan yahay inuu xaqiiqada eego oo wefdigii uu soo diray 2005-tii ee yidhi arrinta Somaliland way ka duwan tahay waxyaabaha ka socda dalalka Afrika ee dib ha loo eego in tii halkii laga qaado oo la soo ambaqaado ayaan deriska iyo Afrikaba ka codsaneynaa,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudabad ka jeedinayay munaasabada sanad guurada 28-aad ee ka soo wareegtay Aasaaska ciidammada qaranka Somaliland.

Qiimeynta Guddiga Midowga Afrika ee xaaladda Somaliland

Guddiga Midowga Afrika ee booqashada ku yimi Somaliland, ayaa waxay sheegeen booqashada ay ku tageen Somaliland inay ku qanceen ayna soo arkeen inay Somaliland qiimeyn guud markii ay ku sameeyeen ay garwaaqsadeen inay Somaliland ay leedahay dhammaan sifooyinki ay dowlad madax bannaan ku yeelan lahayd.

Guddigu, waxay sheegeen aragtida gooni isu taagga ee Somaliland inay soo billaabatay 1991-kii markii ay burburtay dowladdii Soomaaliya ee uu madaxweynaha u ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Somaliland markii ay gooni isu taaggeeda ay sameysatay Dastuur dhammeystiran oo qab dhismeedka iyo awoodaha dowladda qeexaya, ayna maamusho dhammaan dhulkii uu xilligi guumeystaha uu Ingiriiska maamuli jiray ee la odhan jiray British Somaliland.

Dhul ahaan ay xad la leedahay Badda cas iyo Gacan Cadmeed, ayna ku nool yihiin dad ka badan 3,5 milyan. Waxayna guddigu qirteen inay Somaliland kalsooni buuxa hanatay marka loo eego Koonfurta Soomaaliya iyo gobolka, sida u gubanayo. Ayna leedahay dhaqaale ku filan oo ay isku maamuli karto ayay Guddiga Midowga Afrika ka socday ee Somaliland booqday ay warbixintooda ku sheegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here