Maxay Ka Wadahadleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka?

0
1032

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha guddiga anshaxa iyo xalinta khilaafaadka doorashooyinka, ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Guddigan anshaxa iyo xalinta khilaafaadka doorashooyinka, ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha guddigaasi Maxamed Axmed Bulxan.

Kulankan oo ahaa kii koowaad ee ay yeeshaan 6-da xubnood ee guddida iyo guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ugu horayn ku bilaabmay xog-waran iyo sidii loo xoojin lahaa hawlaha shaqo ee u baahan in laga wada shaqeeyo, maadaama oo uu dalku galayo marxalad doorasho oo u baahan in wadajirka iyo xasiloonida bulshada la sii xoojiyo. Lagana hortago arrimaha keeni kara khilaafaadka la xidhiidha doorashooyinka.

Guddiga, ayaa guddoomiyaha uga mahad-celiyay kulanka ay la yeesheen, waxaanay niyad wanaag ka muujiyeen in Maxkamadda Sare ee dalku diyaar ula tahay hawlaha shaqo ee u baahan in laga taageero guddida.

Geestiisa guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa guddida ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan, waxaanu ku dhiiri-galiyay in ay dhex-dhexaad ka ahaadaan arrimaha doorashada si kalsoonida shacabku u xooganaato, waxaanu ku hambalyeeyay dedaalada ilaa imika ay waddaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here