Masuuliyiinta KULMIYE oo Kormeeray Xafiisyada-Xisbiga Ee Degmooyinka Hargeysa iyo Goobaha Diiwaangelinta

0
824

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee xisbul-xaakimka haya talada Somaliland ee KULMIYE, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo masuuliyiin kale, ayaa kormeeray xafiisyada xisbigu ku leeyahay qaar ka mid ah degmooyinka caasimadda Hargeysa iyo goobo ay ka socoto hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka dalku.

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE oo ay wehelinayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Xoghayaha Guud ee xisbiga Faysal Cabdiraxmaan Madar, Guddoomiyaha xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye), Guddoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Maroodi-jeex Marwo Muna Macallin, Xoghayaha Abaabulka iyo Wacyigelinta Gobolka Maroodi-jeex Cabdirisaaq Ismaaciil Maxamed (Kildhi), Xidhiidhiyaha Gobolka iyo degmooyinka Maroodi-jeex Maxamed Yuusuf Caalin iyo xubno kale oo isugu jira fulinta iyo heer qaran ee xisbiga, waxa ujeeddada kormeerkoodu ahayd dardargelinta hawlaha xisbiga ee u diyaargarowga doorashooyinka soo socda iyo wacyigelinta qaadashada kaadhka diiwaangelinta codbixiyayaasha oo hawsheedu gebogebo marayso.

Masuuliyiinta xisbigu waxay kormeerkooda ku soo mareen xafiisyada xisbiga KULMIYE ku leeyahay degmooyinka 26ka June, Ibraahim Kood-buur iyo degmada cusub ee Muj. Gacmo-dheere, kuwaas oo ay ku soo dhaweeyeen madaxda, hawl-wadeennada iyo taageerayaasha xisbiga ee ku xidhan xafiisyadaasi, iyagoo Guddoomiyaha iyo madaxda kale ee wehelinayeyna khudbado ay u jeediyeen ku hambalyeeyeen abaabulka iyo dardargelinta xisbiga ee ka socotada degmooyinkaasi.

Waxa kaloo, madaxda KULMIYE kormeereen hab-sami u socodka hawsha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee goobo ku yaal degmooyinka Ibraahim Kood-buur iyo 26ka June, waxaanay guud ahaan dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan degmooyinkaasi ku dhiirrigeliyeen inay qaataan kaadhka cod-bixinta oo ay ka faa’iidaystaan labada maalmood ee ka hadhsan waqtigii loo asteeyey inay diiwaangelintu socoto, si ay u gutaan xaqooda muwaadino ee ay leeyihiin iyo xuquuqda waddankooda ee ah inay codka siiyaan kolba ciddii dalka dan u ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here