Wasiirka Dastuurka oo Kulan La Qaatay Agaasime Waaxeedyadda Wasaaradaasi

0
472

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa maanta kulan la yeeshay agaasime waaxeedyadda wasaaradaasi.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda, ayaa ku saabsanaa sidii loo dar-dar gelin lahaa loo na soo bandhigi lahaa qorshaha wasaaradda ee sanadkan aan ku jirno ee 2023-ka.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo la hadlayay agaasime waaxeedyadda ayaa ku booriyay in ay si dhakhso ah u soo diyaariyaan qorshe hawleedka sanadkan 2023-kq ay wasaaradu ku hawl gelayso.

Sidoo kale, wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka  Somaliland ayaa Agaasime Waaxeedda uga mahad naqay shaqada wanaagsan ee ay qaranka  u hayaan.

Waxaanu wasiir Maxamed Xaaji Aadan, agaasime waaxeedyadda kula dar-daarmay in ay halkaa ka sii wadaan shaqadda wanaagsan ee ay hayaan.

Waxa kaloo kulankaasi goob joog  ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf.

Geesta kale, agaasime waaxeedyadda wasaaradaasi ayaa balan qaaday in ay iyagu na ku dedaalayaan soo diyaarinta qorshe hawleedka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee sanadkan 2023-ka.

Gebagebadii kulankaasi, ayaa la iskula qaatay in agaasime waaxeedyadu soo diyaariyaan qorshaha sanadkan, si dhawaan loogu soo bandhigo bulshadda.

LEAVE A REPLY