Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo Dumarka Somaliland ku Hambalyeysay Xuska Maalinta Haweenka Adduunka

0
1482
Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal PHOTO FILE

Hargeysa,(HargeisaPress)—Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal, ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay haweenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba dumarka Soomaalida, dhambaalkaas oo ay ku soo beegtay xuska maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da March, taasoo sannad walba xiligan oo kale laga xuso Caalamka oo dhan.

Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal oo ahayd xaaska Madaxweynihii labaad ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, waxa ay sheegtay in haweenku ay hormuud ka yihiin nolosha qoyska, isla markaana ay laf-dhabar u yihiin horumarka bulshada iyo guud ahaanba dalka Somaliland.

“Waxa aan haweenka reer Somaliland ku hambalyeynayaa xuska maalinta haweenka Adduunka ee 8-da March oo ku beegan maalinta Jimcaha, iyadoo maalintan lagu xusayo doorka dumarku ku leeyihiin horumarka bulshada iyo sida ay muhiimka u tahay in laga wada shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka iyo tacaddiyada kala duwan ee loo gaysto dumarka,  markaa waxa leeyahay hambalyo dumarka reer Somaliland guud ahaantoodba, waxaanan Ilaahay uga baryayaa inuu khayr iyo wanaag ku gallado noloshooda,” ayey tidhi marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyska Jamhuuriya xalay.

Waxa kaloo ay sheegtay in haweenku kaalin weyn kaga jiraan horumarka dalka Somaliland iyo hiigsiga mustaqbalka ee la xidhiidha sidii Somaliland aqoonsi caalami ah uga heli lahayd beesha caalamka, waxayna ku baaqday in dumarka saami buuxa laga siiyo golayaasha qaranka Somaliland.

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here