Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo geeriyooday

0
1290
Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdi Xoosh

Hargeysa,(HargeisaPress)— Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dubai ayaa sheegaya in Wasiirkii Dastuurka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Dubai, sida uu xaqiijiyay agaasimaha guud ee wasaarradda Maxamed Abuukar Zubeyr.

“Waxaa hadda isbitaal ku yaala Dubai ku geeriyooday Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxman Xoosh Jibriil. Ilaahey ha u naxariisto, janatul firdowsana haka waraabiyo. Dhamaan eheladii, qaraabadii, qoyskii uu ka geeriyooday iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed Samir iyo iimaan Ilaahey haka siiyo. Aamiin”ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka.

Wasiirka ayaa muddo dheer ku soo dhax jiray dowladdihii isaga danbeeyay dalka, isaga oo dhowr jeer ka mid noqday golaha xukuumadda, waxaana uu ka mid ahaa wasiirradda miisaanka culus golaha xukuumadda siweynna uga soo dhax muuqday, gaar ahaan marka ay timaado arrimaha Dastuurka iyo Sharicga oo uu ku taqasusay.

Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyskii uu ka baxay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ku geeriyooday magaalada Dubai.

Madaxweynaha ayaa yiri “Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Waxaan aad uga naxay geerida Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdi Xoosh. Marxuumku wuxuu laf-dhabar u ahaa xukuumadda haatan jirta isaga oo gacanta ku hayay hawlaha qabyo-tirka Dastuurka. Wuxuu ahaa shakhsi aqoontiisa qareennimo iyo hawl-karnimadiisa ugu khidmeeyay Qaranka xilliyo kala duwan.”

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in Aaska Qaran ee Wasiirka loo saaro guddi ka kooban Golaha Wasiirrada.

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here