Mareykanka oo Ka Digay Weeraro Argagixiso oo Ka Dhaca Tanzania

0
539

Dares Salaam (Hargeisa Press) – Safaaradda Mareykanka ee magaalada Dar es Salaam, ayaa ka digtay suurtagalnimada weerarro argagixiso oo ka dhaca Tanzania.

Waxaanay uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ah inay ka fogaadaan meelaha ay dadku iskugu yimaadaan sida makhaayadaha, suuqyada iyo goobaha dalxiiska.

“Kooxaha argagixisadu waxay digniin la’aan weerar la beegsan karaan hoteellada, safaaradaha, makhaayadaha, suuqyada, saldhigyada booliiska, masaajidda iyo meelaha kale ee ay tagaan dadka reer galbeedka ah” ayaa lagu yidhi digniinta ka soo baxday Safaarada Mareykanka.

Safaaraddu faah-faahin dheeraad ah kama bixin digniintan iyo magaca kooxda looga shakisan yahay weerarka ay digtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here