Maraykanka Oo Wadda Hindise Uu Heshiis Kula Gelayso Somaliland

0
382

Washington (HP): Dawladda Maraykanka ayaa la sheegay in ay ku hawlan tahay hindise ay ku qoonayso sidii ay heshiis dhinacyo badan leh oo iskaashi ula yeelan lahayd jamhuuriyadda Somaliland.
Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin warbaahinta lagu daabacay oo ku saabsan in Xildhibaan James E. Risch oo ka tirsan aqalka odayaasha Maraykanka.
Laga na soo doorto gobolka Idaha, oo ku baaqay in wax ka beddel lagu sameeyo xeerka difaaca qaranka Maraykanka oo dhawaan aqalka Seneteku ansixiyey, oo ay ku baxayso $768 Bilyan oo doolar.
Wax ka beddelka siyaasadda xeerka difaaca Maraykanka, waxa ku jira qadar dhaqaale oo loo qoondeeyey ‘daraasad ku wajahan amniga iyo iskaashiga difaaca Somaliland.’
Waxa kaloo qorshaha difaaca Maraykanku uu la xidhiidhaa sidii looga hawlgeli lahaa saameynta Shiinuhu ku leeyahay mandaqada bariga Afrika.
Siyaasadan cusubi waxay dhigaysaa in marin biyoodka Somaliland uu noqdo mid uu adeegsado Maraykanka iyo xulafadiisu.

James E. Risch waxa uu sheegay in taageero la siiyo Somaliland ay sii adkaynayso dimuqraadiyada iyo deganaanshaha ka jira JSL.
Waxa kaloo xildhibaan James E. Risch uu soo dhaweeyey iskaashiga iyo cilaaqaadka dhex maray Somaliland iyo Taiwan.

Xigasho: SOLNA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here