Makula Tahay In Qofkasto Oo Soomali Ahi Inuu Ku Tago Qaybaha Shanta Soomaalida Bilaa Vise Uguna Noolaado Sida Wadankiisa Oo Kale…..?

0
999

HargeisaPress —Anigu SU,aashaas waxaan kaga jawaabi lahaa haa waxaanan qabaa in qofkastoo Somali ahi uu xaq u leeyahay sida dadka loo yiqaano American Indian inuu Shanta Soomaaliyeed kaga  meeshii uu Doono isaga oo aan lagu xidhaynin wax vise ah waxaanan soo JEEDIN lahaa in hogaamiyeyaasha qaybaha Shanta Soomaaliyeed ay isku afgartaan sidii loo samayn lahaa ID magaciisu yahay Somali ID kaasoo cadeynaya inuu qofku Somali yahay una saamaxaya in qaybaha Shanta ah ee Soomaaliyeed markuu Doono tagi karo dagina karo……………………….

 

Waxaan u cuskanayaa doodayda   in aanay somaliyi talo ku lahayn  go,aankii loogu qaybiyey dhulkooda Shanta qaybood waxaanan aaminsanahay in ugu yaraan loo ogolaado sida qoomiyada kor Ku xusan (American Indian) inay dhulkoodii Shanta loo qaybiyey markay doonaan tagi karaan dagina karaan……………………………..

 

Codsi…………..

Waxaan hogaamiyeyaasha dhaqanka soomaalida

Hogaamiyeyaasha siyaasada Somalida dhalin yarada ururada haweenka iyo dhamaan qaybaha bulshadaba waxaan ka codsanayaa in ay fikirkaas iigu taageeraan waayo waa waxa  aynu xaq u leenahay…………………………..

 

Fadlan gaadhsii walaalaha kale ee Soomaaliyeed

(plz share)……………………….

 

Fikirkiinu waa muhiim…………………………..

 

WAA TILMAAMIHII TALADII IYO TOOSINTII SHACABKA EE…………………………..

 

G……Ururka C&S..SIME

Ahna Qoraha barnaamijka qalinka nabada Soomaaliyeed…………………….

 

Sultan Abdikariim Farah (DULMI DIID)

 

Hogaanka dhaqanka somalida iyo culumo awdiinka

 

Mala odhan Karaa Wayka seexdeen wax ka qabashada aafada qabyaalada iyo dhaqanka xun ee hayb-sooca……………

 

Haa ama Maya bal fikirkaaga ka dhiibo Soomaali maxase ugu wacan ka aamuska arimahan

 

Siyaasiinta somalida waliba kuwa kartida yar waxaynu hore u soo sheegnay in fursada kaliya Ee halkay rabana ku gaadhi karaan tahay isticmaalka qabyaalada iyo kala sooca dadka somalida (dhaqanka xun ee hayb-sooca)

Hadaba culmo awdiinka Iyo hogaanka dhaqanka Somalida maxa iyagana ku dhacay Ee ay wax  uga qaban la,ayihiin afooyinkan umadda daashaday…………

 

(Plz share) fadlan fariintaan u gudbi walaalaha kale ee soomaliyeed……………………..

 

G….URURKA C&SS

 

Sultan Abdikariim Farah

(DULMI DIID)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here