Burco , (HargeisaPress) — Magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa markii u horaysay waxay yeelan doontaa suuq weyn ama sariibad u gaar ah iibka iyo ka ganacsiga noocyada kala duwan ee Kalluunka.
Guud ahaanba magaalooyinka gobolka Togdheer gaar ahaana magaaladda Burco ayaanu hore uga jirin suuq u gaar ah ama lagu iibiyo Kalluunka, iyadoo ay taasina ugu wacan tahay gobolkaasi oo caan ku ah xoolo dhaqashadda.
Hase yeeshee wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badaha Somaliland ayaa maanta ka dhagax dhigay magaaladda Burco suuq la sheegay in uu gaar u noqon doono iibka Kalluunka laga soo saarro badaha Somaliland.
Suuqan loogu tallo galay in lagu iibiyo Kalluunka waxaa dhismihiisa hirgelinaysa hay’adda caalamiga ah ee Far Fishing.
Waxaana madashii dhagax dhiga sariibadaasi cusub goob joog ka ahaa wasiirka Kalluumaysiga, badhasaabka gobolka Togdheer, maayarka Burco, masuuliyiin ka socday hay’adda Far fishing iyo marti sharaf kale.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Baddaha Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa sheegay in sababta keentay in magaalada Burco laga sameeyo suuq u gaar ah ka ganacsiga Kalluunka ay tahay kadib markii la arkay in uu yaraaday hilibka xoolaha nool, abaaraha soo noq-noqday ee dalka ka dhacay awgeed.
Sidaas darteed-na ay lagama maar-maan noqotay in bulshadda la fahamsiiyo ama la barro cunista hilibka Kalluunka.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Waxaanu is-nidhi mar haddii xoolihii dhammaadeen inta yar ee soo hadhay ayaan la qalin maalin walba ee Kalluunka halagu beddelo. Sababtoo ah Kalluunku waa mid mar walba badda inoogu jira oo aan innaga yaraanaynin”.
Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), oo hadal kooban ka jeediyay dhagax dhiga suuqan cusub ee loogu tallo galay iibka Kalluunka ayaa tibaaxay faa’iidada ku jirta mashruucani.
“Kalluunka waa in aynu ka faa’iidaysano oo baranaa cunidiisa, iibkiisa, waayo waa nimco ILLAAHAY (SWT) inoo xalaaleeyey” ayuu yidhi badhasaabka Togdheer.
Geesta kale masuul u hadlay hay’adda caalamiga ah ee Far Fishing oo hirgelinaysa mashruucan ayaa balan qaaday in ay si deg-dega ah u bilaabayaan dhismaha suuqan Kalluunka ee Magaalada Burco. Waxaanu yidhi
“Waan ku faraxsanahay, waana in aan idiinka mahad celinayaa midnimadiina aad ku taageerteen mashruucan. Mustaqbalka Burco waxay noqonaysaa suuq fiican oo Kalluunka ah, maxaayeelay waa caasimada labaad ee Somaliland.
Waxaynu u baahanahay suuq wanaagsan, waxaanan u dhisaynaa sida ugu dhakhsaha badan bisha Ramadaan ka dib”.
Sidoo kale maayarka magaalada Burco, Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad), oo hadal ka jeediyay goobtii lagu dhagax dhigayay suuqaasi cusub ayaa sheegay in Burco laga hirgelinayo suuq ay dadku ka heli doonaan iibka Kalluunka.
Waxaanu yidhi “Waxaan dhagax dhigaynaa suuq loogu tallo galay in dadku ku shaqaystaan oo lagu iibiyo Kalluunka, mashruuca lagu dhagax dhigayo waxaa soo dabtay wasaaradda Kallumaysiga iyo khayraadka Baddaha. Waxaana maalgelinaysa hay’adda Far Fishing dhakhsana waa loo bilaabi doonaa”.
Dhinaca kale bulshada ku nool magaalada Burco ayaa inta badan ah dad Hilib cun ah oo aan aqoon fiican u lahayn cunista iyo isticmaalka Kalluunka, waxaana la sheegay in mudooyinkan danbe huteeladda magaaladu ay bilaabeen in ay iibiyeen hilibka Kalluunka.
Kadib markii ay dadku waayeen hilibka xoolihii ay quudan jireen oo yaraaday xiliyadda qaarkoodna laba waayo abaarta dalka ka dhacday awgeed.