Madaxweynihii Dalka Chad Idris Deby oo Maanta Lagu Aasay Magaalada N’Djamena

0
613

N’Djamena (Hargeisa Press) – Madaxweynihii dalka Chad Idris Deby, ayaa maanta oo jimce ah lagu aasay Magaalada N’Djamena ee Caasimadda dalkasi, kadib markii Salaasadii lasoo dhaafay lagu dilay jiida hore ee dagaalka ay Dowladda dalkaasi kula jirto Kooxaha Fallaagada Gobalka Sahel.

Madaxweyne Idris Deby, ayaa dalka Chad maamulayey 30 sano isaga oo xukunka kula wareegay kacdoon hubeysan, wuxuu ahaa 68-jir, Sarkaal ciidan muddo dheer ahaa.

Wiilkiisa Mahamat Idriss DΓ©by, oo ah Sarkaal dhalinyaro ah ayaa isla maalintiiba loo dhaariyay hoggaamiyaha ku meel-gaadhka ah ee dalkaasi.

Lama oga ilaa hadda cida sida sida rasmiga ah uga dambeysay dilka Madaxweynaha Chad oo dilkiisa maalin ka hor ku guuleystay markii lixaad doorashadii ka dhacday dalkaasi, taas oo mucaaradku diideen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here