Madaxweynihii Cararay Ee Afghanistan oo Soo Hadlay iyo Taliban oo Gashay Madaxtooyada

0
1150

Kabul (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, ayaa sheegay inuu dalka ka cararay “si looga hortago dhiig daata,” iyada oo Taliban ay si rasmi ah u galeen madaxtooyada dalkaas ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Saraakiil sare oo ka tirsan Taliban, ayaa AFP u sheegay inay hadda kulan amni ku leeyihiin madaxtooyada, oo ay si buuxda ula wareegeen.

Ghani, ayaa sheegay inay la noqotay “in muwaadiniin badan ay shahiidi lahaayeen, islamarkaana Kabul la burburin lahaa,” haddii uu sii joogi lahaa.

“Taliban waa ay guuleysteen, waxayna hadda mas’uul ka yihiin sharafta, hantida iyo dhowridda walaalahood,” ayuu Ghani ku yidhi qoraal uu soo dhigay faecbook.

“Waxay iminka wajahayaan tijaabo kale oo taariikhi ah. Ama waxay joogteyn doonaan magaca iyo sharafta Afghanistan, ama waxay ahmiyad siin doonaan meelo kale iyo shabakado,” ayuu yidhi.

Ghani ma aanu shaacin halka uu u cararay, hase yeeshee warbaahinta ugu weyn Afghanistan ee Tolo, ayaa sheegtay inuu tagay dalka Tajikistan.

Dhinaca kale, diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka, ayaa la-wareegista Taliban ee dalka Afghanistan ugu yeedhay “mid qalbiga xanuujineysa,” wuxuuna sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka shaqeynayaan inay dhammaan dadka Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyay ka soo saaraan dalkaas.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken, ayaa sheegay in badqabka shaqaalaha Mareykanka, oo weli ku sugan safaaradda, iyo Afgaaniyiinta caawiyay ay tahay “shaqadooda koowaad.”

“Mareykanka wuxuu sameyn doonaa wax kasta oo suurta-gal ah oo aan awoodno, si aan uga soo baxno dalka, haddii taas ay tahay waxa ay doonayaan,” ayuu Blinken u sheegay Barnaamijka State of the Union ee taleefishinka CNN.

“Taliban waxba ma aynaan weydiisan. Waxaan u sheegnay haddii ay faraha lasoo galaan shaqaalaheena ama holwgalladeena inta aan ka baxeyno, ay jiri doonto jawaab deg deg ah oo adag,” ayuu yidhi Blinken.

Sarkaal sare oo Mareykan ah, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa dhinaca kale sheegay in kumanaan askari oo Mareykan ah ay imanayaan Afghanistan ayna si buuxda u maamulaan aagga safaaradda iyo garoonka diyaaradaha Hamid Karzai International Airport, oo ku yaalla banaanka Kabul.

Biden, ayaa Sabtidii amray in 1,000 askari oo kale oo dheeraad ah loo diro Kabul, si ay gacan uga geystaan sugidda hantida iyo shaqaalaha Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyey Mareykanka.

Guud ahaan 4,000 oo Mareykan ah, ayaa la filayaa in tagaan Kabul maalmaha soo socda, si ay u xoojiyaan 650 oo askari oo Mareykan ah oo dalkaas hore ugu hadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here