Nin Isku Gubay Badhtamaha Dooxa Weyn Ee Hargeysa

0
1983

Hargeysa (Hargeisa Press) โ€“ Ciidanka Dab-demiska Hargeysa, ayaa maanta galinkii dambe soo samatabixiyay nin isku gubay badhtamaha Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa.

Ninkan is gubay tahay daโ€™diisu ahayd 37 jir oo lagu magacaabaa Cawaale Cali Hayaan, ayaa waxaa la sheegay inuu maskaxda ka xanuusanayay.

Ciidanka oo ay horkacayan waaxda caafimaadku, ayaa goobtaas degdeg u gaadhay waxaanay la kulmeen ninkaas oo qaybo ka mida Jidhkiisa ah Dabku gaadhay.

Waxaana islamarkiiba ciidamadu gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa halkaas oo lagu dabiibayo.

Ehelada ninkan, ayaa ciidanka u sheegay in dhawaan laga soo daayay Cilaaj, waxaana dhaawacyo ka soo gaadheen Garbaha,laabta, bogga iyo caloosha.

Ciidanka Dab-demiska, ayaa waxay bulshada ku wacyigeliyeen in dadka maskaxda ka jirran aan kaligood la sii dayn oo had iyo jeerna laga warhayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here