Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Munaasibad Lagu Daah Furayay Barashada Master Oo Jaamacadda ADMAS Soo kordhisay + SAWIRRO

0
931

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xaflad balaadhan oo lagu daahfurayey qaybta Master-ka ee Jaamacadda Admas ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa,munaasibadda xafladan oo si quruxbadan looga soo shaqeeyey waxaa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Islaaciil Saylici,wasiiru-dawlaha waxbarashada Axmed Nuur Faahiye,wasiir ku xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir,wakiilka xafiiska Ganacsaiga ee dalka Itoobiya ee Somalialnd,Gudoomiyaha Boodhka Admas qaybteeda Somaliland ahna aas aasaha Axmed Daahir [Cadnaan] Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye ahna mudane ka  tirsan GolahaWakiilada,Gudoomiyaha Admas Unersity Professor Ixsaan Cumar Ismaaciil,dhamaan macalimiinta aqoonta sare u leh maadooyinka ay ka bixiyaan Jaamacadda qaybaheeda kaladuwan,qaarbadan oo kamida ardaydii horey uga baxday Jaamacadda,amsuuliyiin kaladuwan oo ka socday hayd’adaha xukuumadda,bulshada rayidka ah iyo dadweyne kale oo farabadan.

admas 6e6e6

Furitaankii xafladaas waxaa ka hadlay  Gudoomiyaha Jaamacadda Admas Professor Ixsaan Cumar Ismaaciil waxaanu ka waramay ujeeda qaybtan cusub ee Master-ka loo daah-furayo iyo inay tahay baahida loo qabo inay Admas University qaybaheedii  hore ku soo korso qaybtan M aster-ka waxbarashada sare “Admas University oo aad horey uga barateen inay hogaamiso Jaamcadaha dalka hadana waxay caawa ku faraxsan tahay inay xafladan ku daah-furayso 6 qaybood oo waxbarashada Master-ka ah” ayuu yidhi Gudoomiye Ixsaan Cumar Ismaaciil.

“muddo dheer baanu sugaynay furitaanka qaybta Master-ka waxaanan ka sugaynay qaybtayada Addis Ababa oo nagala soo daahday laakiin hadda sida aad arkaysaan waxaa farxad noo ah inay noo suurto gashay inaanu furo caawa qaybtii Master-ka” ayuu yidhi Mr Ixsaan.

Admas 11304033_10205367188511647_689884253_n

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay wasiiru-dawlaha waxrashada Axmed Nuur Faahiye waxaanu sheegay inuu soo dhawaynayo furitaanka Master-ka ee Jaamacada Admas University isla markaana ay Jaamacadda Admas ka wasaarad ahaan u aqoonsan yihiin  inay tahay hogaanka Jaamacadaha dalka xaga aqoonta iyo firfircoonida “sidii uu Gudoomiyaha Jaamacaddu Sheegay Admas University waxay hogaanka u haysaa Jaamacadaha dalka ka wasaarad ahaana waanu u ognahay” ayuu yidhi Mr Faahiye.

admas DSC06273

“Jaamacadda Admas waxaanu ugu mahad celinaynaa inay dalka inoo keentay wixii loo baahnaa waayo hadaad eegtaan programme-yada halkaa ku qorani waa ku wii ay dadka iyo dalkuba u baahnaa ” ayuu yidhi.

Madaxweyne ku xigeenka Mr Saylici oo halkaa ka hadlay waxa uu mahad balaadhan u jeediyey maamulka Admas inay dalka keeneen wixii meelo fog-fog wadamo kale loogu safrijiray” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Saylici waxaanu sheegay Mr Saylici inuu isaguba shahaado ka qaatay qaybta waxbarashada fog loo yaqaano [learining Distence] waxaana halkaa shahaadadii uu ka qaatay kugudoonsiiyey Axmed Daahir Cadnaan oo ah Gudoomiyaha Boodhka Admas University iyo Gudoomiyaha Jaamacadda Professor Ixsaan Cumar Ismaaciil.

admas DSC06268

Waxaa isaguna madashaa ka hadlay Jaamac Muuse Jaamac waxanu farxad ku tilmaaamay guusha ay Admas ka gaadhay hormarka xagga waxbarasha iyo daah-furka qaybtan Master-ka “waxbarashada sare ee Masterku waa meeshii uu dabarka isgaka jari lahaa ee uu ku dareemi lahaa inay umadiisu xaq ku leedahay waana inuu qofku dareemaa inuu yahay kii waxa uu yahay ku soo saari lahaa waddo uu iyo dariiq cusub oo uu isagu leeyahay” ayuu yidhi  Jaamac Muuse Jaamac “Waxbarashada Darajada 2aad ee Master-ku marka aad dadka soo hor istaagayso waa meesha 2aad ee uu qofku ku muujinayo dadanimadadiisa iyo jiritaankiisa qofeed Admas-na way ku mahadsan tahay inay barnaamijkaa caawa inuu daah-furtay” ayuu yidhi Mr Jaamac Muuse Jaamac.

admas DSC06286

“waa halkaa halka aan doonayo inaan Admas iyo Cadnaanba ugu mahad naqo iyaga oo horey u soo saaray arday farabadan oo qiimo Badan” ayuu yidhi,waxaa isna madashaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Acadamiga Axmed Naasir waxaanu ka sheekeeyey barnaamijkan iyo sababtii ay Admas u keentay dalka Master-ka. “Jaamacadda Admas dhawr iyo toban kun oo arday ayey soo saartay sanadihii la soo dhaafay waxaanay ardaydaasi dalal shisheeye u doonan jiraan shahaahada master-ka si ay u soo qaataan caawana waxaan ardayda leeyahay caawa laga bilaabo majirto sabab aad meelo kale u aadaan ee ku soo dhawaada Admas University” ayuu yidhi waxaanu ka hadlay qaabka ay ardaydu ku dhigan doonaan Master-kan cusub waxaanu yidhi “sidii uu Madaxweyne ku xigeenka iyo dadkii kale ku barteen ayay ku baran doonaan oo ah inay macalimiintu si toosa ku soo galidoonaan Internet-ka Iyaga oo jooga dalka Jarmalka” ayuu yidhi Axmed Naasir Xaaji.

admas DSC06297-e1432756381105-1040x440

Professor Siciid Jibriil oo kamida macalinta Jaamacadda Jigjiga oo halkaa warbixin ku soo bandhigay ayaa ka hadlay qaybaha waxbarashada  uu ka bixiyo Jaamacadda iyo khibradihiisa kale ee uu takhasuska u leeyahay “Jaamacadda Jigjiga waxaanu ku haynaa 24 kun oo arday waxaana wax ka dhiga ilaa 800 oo macalin waana Jaamacadda ugu ballaadhan dhulka Somalidu dagto” ayuu yidhi Professor Jibriil.

 

Gabagabadii Xafladaas waxaa ka hadlay wasiirka cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid waxaanu soo dhaweeyey qaybtan cusub ee Masterka ee  lagu soo kordhiyey Jaamacadda Admas oo horey u haysatay koobka waxbarashada Jaamacadaha Somaliland oo dhan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here