Madaxweyne Xaaf: ”Waa In Maamullada Naga Maqan La Doono, Xitaa Waa In Somaliland Lagu Soo Daro Kulamada Noocan Ah

0
780

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug oo ku biiray shirka Iskaashiga Soomaaliya ee heerka Caalami ee ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa khudbad uu ka jeediyay waxaa uu soo hadal qaaday Somaliland isagoo sheegay in shirkan lagu soo daro Somaliland oo aanay ka maqnaanin hada kadib.

Madaxweyne Xaaf  ayaa sidoo kale ka hadley maamulllada ka maqan shirka oo muhiim ay tahay ayuu yidhi in la doonno.

”Waxaan iska kaashan-doonnaa in aan doonno saaxiibadda naga maqan ee maamul gobolleedyada , xitaa Somaliland, oo hadda kaddib ayna maqnaan kulamadan noocan oo kale ah, beesha caalamkana waxaan ka rabnaa in aad si dhab ah noola shaqeysaan” ayuu yidhi madaxweyne Xaaf.

Sidoo kale, Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in wadashaqeyn dhexmarto dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada dalka, isla markaana Somaliland ay kusoo biirto wixii ka dambeeya Shirkaan.

 

Hargeisa Press.com/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here