Kenya oo Ka Digtay Arrin Dhici Doonta Haddii Kiiska Badda Loo Xukmiyo Soomaaliya

0
535

Washigton (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbga mucaaradka ANC ee dalka Kenya, Musalia Mudavadi oo magaalada Washington kula kulmay saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa ka digay in Soomaaliya la siiyo ama loo xukmiyo kiiska Badda oo ay dacwaddiisu haatan hor taallo maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Mr Musalia ayaa sheegay haddii ay Soomaaliya ku guuleysato kiiskaas ay dhacayo xasilooni darro, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii cadaaladda la garab maro oo la siiyo Soomaaliya waxaa ay abuuri-doontaa xasilooni darro.” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga Amani National Congress.

Sidoo kale, wuxuu dalalka beesha caalamka ugu baaqay inay soo farageliyaan xiisada labada dal, gaar ahaan kiiska badda.

Guddoomiyaha xisbiga ANC ayaa xiisada labada dal ku tilmaamay mid khatar ah oo loo baahanyahay in aanay yaraysan beesha caalamku.

“Beesha caalamka waa in aanay yareysan arrinkan oo aaney fududeysan sida shirkadaha waaweyn ee shidaal qodista damaca ugu jira aaney dhicisin dadaallada cadaaladda.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mr Mudavadi.

Ugu dambeyn wuxuu Soomaaliya ku tilmaamay dal tabar daran, islamarkaana hoy u noqon kara argagixisada.

Xiisada Soomaaliya iyo Kenya ayaa maraysa meeshii ugu darneyd, iyadoona dowladda Kenya ay daneyneyso in markale dib loo dhigo kiiskan oo dib maxkamadda cadaaladda aduunka ICJ u dhageysan doono 4-ta bisha Novermber ee sanadkan 2019-ka.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here