Madaxweyne Siilaanyo Oo maanta Xadhiga ka jaray Barxada wejigii labaad ee Dekeda Berbera + SAWIRRO

0
853

Berbera , (HargeisaPress) — Madaxweynaha qaranka Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xadhiga ka jaray markii labaad oo ay bilo uun u dhexeeyaan balaadhinta dekeda berbera oo mudooyinkii u danbeeyey ku talaabsatay horumar baaxad leh oo uu hormood ka yahay Maareeyaha Dekeda berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Xoor-Xoor) oo iska xilsaaray sidii qaranka Somaliland u yeelan lahaa deked ay isku halayn karaan shacbiga iyo dawladaha jaarku.

 

BERBERA 8

 

Madaxweynaha oo mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaa gobolada bariga ayaa galabta soo gaadhay magaalada Berbera oo loogu sameeyey hadhimo sharafeed isaga iyo weftigiisa, ayaa qadada ka dib waxay kormeer iyo xadhig ka jarid u tageen dekeda berbera gaar ahaan dekeda cusub ee loogu magac daray Barxada Wajaale oo noqonaysa wejigii labaad ee madaxweyne siilaanyo intuu dhagax dhigay hadana dhamaadkeeda mudo gaaban gudeheed uu xadhiga ka jaro dedaalkeedana uu ku amaanan yahay maareeyaha dekedu.

 

BERBERA 4

 

Xadhig ka jarida ka dib waxa madaxweynaha warbixin ka siiyey maareeyaha dekeda cali xoor-xoor oo sharaxaad ka siiyey qaabka loo dhisay iyo xadiga ay ku fadhido dekedan cusubi oo ah 2,250Moo isku wareega, waxaanay noqon doontaa ayuu maareeyuhu yidhi mid kafaalada qaadi doonta guud ahaan wixii dekeda ka soo dega ee u socda wadamada jaarkeena ah iyo wixii dheeriya ee dalka soo gaadhaba, sidii aynu horeba u sheegnayna waa mid waxtar u ah dalka iyo dadkaba.

 

BERBERA 6

 

Madaxweynaha oo maareeyaha ku amaanay dedaalka iyo kartida alle hibada u siiyey ayaa yidhi waanu ku faraxsanahay inaad maareeye wejigii labaad ku guulaysato oo aan galabta xadhiga kaaga jaro, tan oo farxad gelinaysa dalka iyo dadkaba anagana noo ah faan iyo dhiirigelin marka aanu aragno dad sidaada oo kale dalka u adeegaya wanan kugu hambalyeynayaa ee halkaas ka sii wad dedaalkaaga.

 

BERBERA 7

 

 

intaas markii la joogay weftiga madaxweynuhu waxay u soo caraabeen dhinaca magaalada hargeysa oo aad looga sugaayey balse waxa goobtii xadhig ka jarida ka sii socotay xaflad aad u qiimo badan oo uu maareeyaha dekedu u sameeyey wejiga labaad ee barxada wajaale laguna kordhiyey dekedii hore, waxaana xafladaasi ka soo qaybgalay masuuliyiin tiro badan iyada oo halkaasina ay hadalo ka jeediyeen masuuliyiintaasi tiro badan oo xafkada ku sugnaa.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here