Madaxweyne Siilaanyo Iyo Laba Siyaasi Oo Xukuumadiisa Ka Baxay Oo ku Kulmay Aaskii Marxuum-Iskeerse + SAWIRRO

0
847

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo laba siyaasi  xukuumadiisa ka tirsanaan jiray,ayaa ku kulmay aas qaran oo maanta lagu sii sagootiyay Alle ha u naxariistee Marxuum-Maxamed Cabdi Iskeerse oo ka mid ahaa siyaasiyiintii waaweynaa ee xisbiga KULMIYE isla markaana Somaliland xilligii marxuum-Cigaal ka soo qabtay xilka Wasiirka Ganacsiga.

 

Siyaasiyiintan waxa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka ahaa gacan yarihisii koowaad ee 2010-kii illaa 2015-kii oo uu iskaga casilay xilkiisii Wasiirnimo  markii ay u qurqursami wayday inuu taageero Murrashaxnimadda madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo madaxweyne Siilaanyo uga tanaasulay muddo xileedkiisii labaad.

Madaxweyne-Siilaanyo-Iyo-Xamarje-oo-is-gacan-qaadaya

Halka siyaasiga labaadna ee maanta madaxweynaha ay ku kulmeen aaskii marxuum Iskeerse waxa uu ahaa Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarje oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka soo qabtay xilalka Guddoomiyeyaashii Gobollada Maroodi-jeex iyo Tog-dheer oo uu markii dambe iska casilay kuna biiray xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo ay aad u xafiiltamaan xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE.

Madaxweyne-Siilaanyo-Iyo-Wasiirkii-hore-ee-madaxtooyadda

Waxa kamaraduhu qabteen Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi oo Madaxweynaha xabaasha dusheeda isku salaamaya oo is gacan qaadaya, iyadoo ay aragtidoodu yarayd tan iyo markii ay ka baxeen xukuumadiisa.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here