Madaxweyne Muuse Biixi Oo Magacaabay Xilal Cusub

0
1539

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta magacaabay Agaasimayaal cusub oo ka mid noqon doonno Xukuumaddiisa.

Sidaa waxa lagu yidhi Qoraal Ka soo baxay xafiiska warbaahinta Madaxtooyadda oo u dhignaa sidan:

War-saxaafadeed:03/01/2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-15/012018 ku magacaabay, masuuliyiintan.

Madaxweynuhu:

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafaha (b), (kh) iyo (sh);

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda Shaqo;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Tir Magaca Xilka

  1. Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda
  2. Axmed Yuusuf Dirir Maxamed Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka
  3. Maxamed Cabdi Xergeeye Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka
  4. Cumar -sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka
  5. Faysal Cali Sheekh Maxamed Cabdi Guddoomiyaha Hay’ ada U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashiinka Qaranka
  6. Cabdikariim Axmed Maxamed Faarax Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here