Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Shahaadooyin Gudoonsiiyey Arday Ka Qalin Jabisay Jaamacada Alpha Ee Magaalada Hargeysa + SAWIRRO

0
1696

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta shahaadooyin gudoonsiiyey arday ka qalin jabisay jaamacada Alpha ee magaalada Hargeysa.

 

Munaasibada ardaydan lagu gudoonsiinayey shahaadooyinka oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golaha wasiirada ,waalidiinta ardaydoodu ka qalin jabisay jaamcada Alpha iyo marti sharaf kale.

Alpha University 13

Gudoomiyaha jaamacada Alpha universenty Abdiraxman Maxamed Maal oo ugu horayntiiba ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay jaamacada Alpha, isaga oo hanbalyo balaadhan u diray ardayda ka qalin jabisay jaamacada Alpha iyo waalidoontooda mudada ku soo tabcayey.

Alpha University 12

Ugu danbayntiina madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo soo gunaanaday munaasibadan ayaa hormoodka kuliyadaha jaamacadaha dalka u soo jeediyey inay kor u qaadan tayada ardayda ka soo baxaysa jaamacadaha dalka waxaana hadaladisii ka mid ahaa ?waxaan u mahad naqayaa waalidiinta ku soo tabcaysay ardaydan maanta ka qalin jabinaysa jaamacada Alpha iyo macalimiintii mudada ku soo tabcaysay ardaydan, hanbalyada ugu wayn waxaan siinayaa ardayda maanta qalin jabinaysa ee dedaalka halkan ku soo gaadhay  waxaanan leeyahay dedaalka halkaa ka sii wada, waxaan leeyahay hormoodka jaamacadaha dalka waxa la gaadhay wakhtigii tayada, oo arday  tayo lihi ay ka soo baxaan jaamacadaha dalka sababtoo ah , waxaanu maqli jirnay ama jaamacadihii aanu soo marnay aanu garanaynaa  waa la qalin jabiyey oo faro badan ayaanu maqlaynaa fara badan wali maanu maqal cid la leeyahay wax ayaa u dhiman, markaa yaanay inaga noqon ganacsi ee waa in ardayda tayadooda kor loo qaadaa.?

Alpha University 5

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu dardaaran u soo jeediyey guud ahaanba bahda waxbarashada sare ee dalka waxaanu kula dardaarmay in la ilaaliyo tayada ardayda ka soo baxaysa jaamacadaha dalka isla markaana kor loo qaado heerka aqooneed ee ardayga oo aan lagu de degin qalin jabinta.

Ahmednour Yuusuf Xaashi ardaygii ugu
Ahmed Nour Yuusuf Xaashi ardaygii ugu sareeyey jamacada Alpha University.

Sidoo kale, waxa shahaado sharafyo gaar ah la guddoonsiiyay ardaygii ugu sareeyay Jaamacada Ahmednour Yuusuf Xaashi  .

Alpha University 9

Alpha University 90

Alpha University 6

Alpha University 7

Alpha University 8

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here