Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Dhagax Dhigay Xarun Cusub Oo Loo Yagleelayo Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta + Daawo Sawirada

0
1017
Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweyne Ku Xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaacil Saylici ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelan doonto wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland, taas oo laga dhisi doono xarunta wasaaradaasi.
 JAJAJAJ

Munaasibada dhagax dhiga dhismaha cusub ee loogu tala galay wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland oo ka dhacay xarunta wasaaradaasi ayaa ka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka somaliland, xubno ka mid ah golaha wasiirada iyo masuuliyiin kale.

KAKAKAKA

Madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka hadlay munaasibada dhagax dhiga xarunta cusub ee wasaarada macdanta iyo tamarta ayaa waxa uu soo dhaweeyey xaruntan cusub

waxaanu yidhi “Maanta farxad weyn ayey noo tahay inaanu maanta dhagax dhigno xaruntii wasaarada macdanta iyo tamarta anaga oo uga mahad naqayna ka qayb galka ay ka qayb galeen shirkadaha sahanka ugu jira baadhista shiidaalka iyo gaasta somaliland oo aanu heshiisyo kula kula jirno.”
 KAAKK

Madaxweyne ku xigeenka somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay  inay muhiin tahay in la hagaajiyo meelaha lagu shaqaynayo waxaanu mar kale yidhi  “Shaqada waxa ugu muhiimsan in la hagaajiyo meesha lagu shaqaynayo waxa ku xigaana waa in shaqaalaha la tayeeyo, runtiina shirkaduhu waxay nagula hawl jiraan in shaqaalahana la tayeeyo oo la diyaariyo shaqaale mustaqbalka hawsha qaban kara iyo in la tayeeyo xafiiska lagu shaqaynayo, waxaanan u mahad naqayaa shirkadaha sida wanaagsan noola shaqeeyo una huray dhaqaalahoodana  inay ku maal galiyaan  xafiiskan oo noqon doona wasaarada ugu quruxda badan qiimaha ugu badana la galin doono,  taasina mustaqbalka ka turjumi doonto in ilaahay inagu guuleeyo wixii aynu rajaynayno  oo ay dalkan u soo baxaan khayraadkiisa dihin kana bixi doono cidhiidhiga.”

Ugu danbayntiina madaxweyne ku xigeenka somaliland waxa uu u mahad naqaya wasiirka macdanta iyo tamarta, shaqaalaha wasaarada iyo  guddida qandaraasyada qaranka  waxaanu yidhi “ Waxa kale oo aan aad ugu mahad naqayaa wasiirka wasaarada iyo shaqaalihiisa oo mudo dheer hawshan ku jiray  sameeyeyna soo jiidashada in dalkan la maal gashado, kuna dhiiri geliyey shirkadaha kala duwan inay maal gashadaan somaliland oo ay ka baadhaan shiidaalka iyo gaasta, hawl adagna ka soo qabtay wasaaradan mudadii  shanta sanadood ahayd ee aanu xilka haynay, waxa kale oo aan ugu mahad naqayaa guddida qandaraasyada qaranka  oo oo nidaamkii loo baahna marisay mashruucan maadaama loo baahan yahay mar walba in la sameeyo nidaam saxsan si uu u soo baxo qofkii loo baahnaa meeshana uga baxdo mad madawga aynu isku canaano.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay madaxweyne ku xigeenka somaliland.

Wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo isaguna munaasibada dhagax dhiga xarunta cusub ee wasaaradiisa ka hadlay ayaa u mahad celiyey shirkadaha wada sahaminta shiidaalka oo maal galinaya dhismaha cusub ee wasaaradan waxaanu yidhi “ Farxad weyn ayey u tahay wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland oo mudo dheer sugaysay inay hesho maal gashi ay ku dhista dhisme muuqaal leh, inay maanta fursadii aanu ku bilaabi lahayn dhismaha wasaaraduna maanta timid, dedaal badan ayaanu galinay inaanu helno maalgashi lagu dhiso xarunta wasaarada anaga oo u tudhayna miisaaniyadeena yar  inkasta oo wasaarado badan laga dhiso, markaa waxaanu is nidhi maal gashi u doono dhismaha xaruntan wasaaradan markaas codsiyo badan ka dib waxa noo aqbalay shirkadaha aanu wada shaqaynta leenahay ee shiidal baadhista u jooga heshiiskana nagula jooga, aadna waan uga mahad celinayaa inay aqbaleen codsigayagii ahaa inay noo maal galiyaan dhismaha cusub ee wasaarada.”

Wasiirka macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdu Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray “ Guryaha halkan laga dumiyey gumaysigii ayaa ka tagay, maantana waxaanu dhisi doona wasaarad muuqaal leh oo laga dheehan karo dhismaheeda iyo maamulkeedaba anaga oo tix galinayna inaanu ka soo horjeedno guriga madaxtooyada waxaanu aad iskugu taxaluujinay inaanu dhisno wax naf leh, markii lacagta noo soo xarootay ee shirkadaha shiidaalku naga aqbaleen  dhaqaalihii ku baxayey mashruuca dhismaha  waxaanu u gudbinay guddida qandaraasyada qaranka shaqo aanu ku lahayna ma jirto  waxaanan ku idhi waa in mashruucaas lagu bixiyo nidaam saxsan oo furan, markaas wuxuu buray hab caalami ah aniga oo uga mahad celinaya gudoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka inaanu wax is qab qabsi ahi ka iman cidii ku guulaysatay.”

Ugu danbayntiina wasiirku waxa uu mahad naqay shirkada samaysay nashqada wasaarada waxaanu mar kale yidhi “ Nashqadii  caalamiga ahayd ee aanu ku salaynay in lagu dhiso wasaaradan oo ay noo samaysay shirkad la yidhaahdo Rio Architect  khaasatan ninka dhigay naqshada cusub ee wasaarada Maxamed Bashiir aad ayaan ugu mahad celinayaa , waana nashqad heer caalami ah ayaa wasaarada lagu dhisayaa, shirkadaasina hawlo badan ayey hada ka wadaa magaalada waanan u mahad celinayaa.”

Sidoo kale waxa munaasibada dhagax dhiga xarunta cusub ee wasaarada macdanta iyo tamarta ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada hawlaha guud Cali Cabdi Saa’iq, wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada macdanta iyo tamarta haatana ah  wasiirul dawlaha wasaarada biyaha  Cabdisalaan Maxamed Xasan iyo xubin ku hadlaysay afka shirkadaha shiidaal sahaminta ka wada somaliland kuwaas oo maal galinaya xarunta cusub ee loo dhisayo wasaarada macdanta iyo masuuliyiin kale kuwaas oo soo dhaweeyey xaruntan cusub ee loo yagleelayo wasaarada macdanta iyo tamarta.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here