Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Kulan La Yeeshay Culimada iyo Dhakhaatiirta Boorama

0
1586

Boorama (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna gudoomiyaha guddida heer qaran ee ka hortagga iyo u diyaarawga xannuunka Coronavirus ayaa kulan magaalada Boorama kula qaatay dhakhaatiirta iyo culimada magaaladaaas.

Kulankan oo ku saabsanaa wacy’gelinta xanuunka Coronavirus waxa hadal ka jeediyay Dr. Siciid Axmed Walhad, waxaanuu sheegay in xannuunkani leeyahay kor hor tag, loona baahan yahay in bulshadu si guud u fuliyaan talaabooyinka ku saabsan ka hor tagga xannuunkaas, waxaanuu soo jeediyay in la garab istaago dadaalada ku saabsan ka hortagga xannuunkaas ee ay wadaan guddida heer qaran.

Qaar ka mida cilimadii gobolkaas ka qayb-gashay ayaa sheegay ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo baahan yahay in bulshadu sii xoojiyaan ducada iyo Alle ka cabsiga.

Ugu dambayn madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici  ayaa sheegay in kulankani ka mid yahay dadaalada ay wadaan guddidaas heer qaran, u jeedaduna tahay sidii bulshada looga baraarujin lahaa halista xannuunkaas iyo sidii ay iskaga ilaalin lahaayeen dhinaatadiisa, waxaanuu bulshada reer Somaliland u soo jeediyay ianay ku dadaalaan fulinta talooyinka ay soo saaraan guddidaas heer qaran ee ka hor tagga iyo u diyaargawga xannuunka Coronavirus.

 

Hargeisa Press Desk/Boorama Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here