Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Kormeeray Mashaariicda Ka Socda Berbera

0
377

Berbera (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah golaha wasiirrada iyo masuuliyiin kale ayaa maanta safar shaqo ku tegay magaaladda Berbera.


Waxaanay madaxweyne ku-xigeenka iyo masuuliyiinta la socday soo kormeereen mashaariic horumarineed oo kala duwan oo laga hir-geliyay magaaladda Berbera.


Sidoo kale waxay weftigaasi warbixino la xidhiidha waxqabadkoodda sanad laha ah ka dhegaysteen maamulka dawladda hoose ee Berbera ee mashaariicda laga maalgaliyo barnaamijka horumarinta dawladdaha hoose ee JPLG-ga.
Madaxweyne ku-xigeenka oo hadal ka jeediyay kormeerkaasi iyo kulankaasi uu maamulka dawladda hoose ee Berbera la yeeshay ayaa kula dar-daaarmay in ay lagama-maarmaan tahay in magaalooyinku ay ka faa’iidaystaan barnaamijka tababarka iyo horumarinta isugu jira ee JPLG-ga loo yaqaanno.


Dhinaca kale madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo masuuliyiinta la socday waxa isla maanta magaaladda Berbera ka dhagax dhigeen mashaariic kaloo horumarineed oo laga hirgelin doono Berbera.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here