Madaxweyne ku-xigeenka Oo Ka Qayb-galay Kulanka Dawladaha Hoose

0
307

Hargaysa (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylci) ayaa ka qayb-galay kulan ay dawladaha hoose ee dalka iyo qaar ka mida wasaaraduhu ku kala saxeexanayeen barnaamijka JPLG-ga ee maamul daadajinta dawladaha hoose.


Kulankan oo ay kasoo qayb-galeen Maayiradda lix-degmo iyo wasaaradaha waxbarashada iyo caafimaadka ayaa laysaga kaashan-doona sidii loo sii dar-dargelin lahaa adeegyada caafimaad iyo waxbarasho ee dagmooyinkaas.


Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylci), oo kulankaasi khudbad ka jeediyay waxa uu sheegay in mashruuca JPLG-ga uu soo maray marxalado kala duwan oo bilaw ah maantana uu kor u qaaday qaar kamida baahiyaha aasaasiga ah ee dagmooyinka qaar.


Isagoo Madaxweyne ku-xigeenku xusay in degmooyinka aan qaybta ka ahayn barnaamijkana qaar kood lagu darayo sanadkan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here