Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Ciidamo Uu Wato oo Jigjiga Isaga Baxay

0
2956

Jigjiga (Hargeisa Press) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa waxaa ay sheegayaan in magaaladaasi uu isaga baxay Madaxweyne ku-xigeenka dawladda deegaanka Soomaalida oo wata ciidamo badan oo Federaal ah, kaddib markii xabsiga loo taxaabay Hoggaankii Nabadgelyada iyo Madaxii Baratakoolka Madaxtooyada.

Sida ay Warbaahinta Hargeisapress.com u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dawlad deegaanka.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad deegaanka Soomaalida oo ay wehelinayaan Kolonyo Baabuur iyo Ciidamo tiro badan ayaa ka baxay maanta duhurkii Magaalada Jigjiga, waxaana la sheegay inay ku sii jeedaan magaalada Diridhhaba ee deegaan ahaan uu kasoo jeedo Madaxweyne ku-xigeenku.

Lama cadayn sababta dhabta ah ee keentay in Madaxweyne ku-xigeenka dowlad deegaanku uu ka baxo magaalada Jigjiga, hase yeeshee waxa jira khilaaf cakiran oo u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Mustafe Cagjar kaas oo sababay in golaha Xukuumaddu uu laba garab u kala jabo, isla markaana uu maanta Madaxweynuhu xabsiga u taxaabo Hoggaankii Nabadgelyada Deegaanka Cabdicaadil iyo madaxii-baratakoolka Madaxtooyada Cabdiqaadir Bisle.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo ciidamada uu wato ayaa la sheegay in sidoo kale ay ka mid ahaayeen xubno sare oo xukuumadda Madaxweyne Mustafe Cagjar ka tirsan oo kasoo horjeeda tallaabooyinka uu qaadayay Madaxweynuhu.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide ayay wararku sheegayaan inuu isaguna ka cadhooday tallaabooyinka uu Madaxweyne Mustafe qaaday, taas oo uu si toos ah ugala hadlay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo horeba xiisaddan uga war hayey.

Aadan Faarax ayaa la filayaa in marka uu gaadho magaalada Diridhaba uu diyaarad u qaadan doono Addis Ababa, halkaas oo uu ugu tegi doono Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed si uu xaaladda deegaanka xog buuxda uga siiyo.

 

Hargeisa Press Desk/Jigjiga Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here