Madaxweyne ku-xigeenka Ahna Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland oo Si Rasmi ah u Daah-furay Adeegga Casriga ah ee 5G ee Shirkadda Telesom + SAWIRRO

0
224

Hargeysa,(HargeisaPress)– Waxa noo farxad ah in aannu markii ugu horaysay si rasmi ah dalka uga hirgelinno adeegga internet-ka casriga ah ee Jiilka Shanaad (5G) oo ah laba nooc: 5G-ga moobaylada iyo 5G-ga guryaha, meheradaha iyo ganacsiyada (Fixed Wireless Access). Guushan taariikhiga ah ee ay shirkaddu gaadhay ayaa xaqiijinaysaa kaalinta lama huraanka ah ee ay kaga jirto hal-abuurka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiga. Adeegyadan ayaa astaan u ah horumar la taaban karo oo loo qaaday siinta bulshada adeegyada casriga ah isgaadhsiinta.

Adeegga internet-ka ee jiilka 5aad (5G) waxa uu qayb ka yahay korodhka baaxadda weyn ee tignoolajiyada wireless-ka, taas oo bulshada isugu xidhaysa internet xawaare sare iyo isku hallayn leh. 5G-ga Telesom ayaa wax weyn ka beddeli doona habka dadku u wada xidhiidhaan, u shaqeeyaan, ulana falgalaan dunida casriga ah.
Xafladda daahfurka adeegga 5G ayaa ka qabsoontay xarunta guud ee shirkadda Telesom, waxaana goob joog ka ahaa marti sharaf aad u heersaraysa oo ay kamid ahaayeen Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Dr. Axmed Yuusuf idiris, Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mdane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, Badhasaabka Gobolka Maroodijeex; Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), Mayor-ka Caasimadda; Cabdikarim Mooge, gacansato, culimo, bahda jaamacadaha iyo aqoonyahan kale oo badan.

Shirkaddu waxay aaminsan tahay in daahfurka adeegyada 5G iyo FWA ayna kaliya kobcin doonin nolosha shakhsiyaadka, balse ay sidoo kale ka qayb qaadan doonto kobaca dhaqaalaha iyo hal-abuurka qaybaha kala duwan ee bulshada miyi iyo magaalaba. Iyada oo aannu taas ka duulayno adeeggan keliya kuma aannu koobin magaalooyinka waaweyn ee waxa aannu ka hirgelinay deegaanno ballaadhan oo ay ka mid yihiin: Hargeysa, Burco, Buuhoodle, Boorama, Berbera, Ceerigaabo, Gabiley, Laascaanood, Sheekh, Wajaale, Widhwidh & Xuddun.

Mas’uuliyiinta dowladda, bahda warbaahinta, ganacsatada, jaamacadaha, hoggaamiyeyaasha gaybaha kala duwan ee shirkadaha, io dadweynaha ee aannu ku martiqaadnay in ay goob-joog ka noqdaan waaga cusub ee u baryay dalka, waxa aannu u ballanqaadaynaa in ay adeeggan ku ganci doonaan, isla marka ay tijaabiyaan.

DAAWO SAWIRRADA XAFLADA

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here