Hargeysa,(HargeisaPress)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa bogaadiyey Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Md. Boris Johnson oo si aqlabiyad ah ugu guulaystay doorashadii Khamiistii ka qabsoontay dalkaasi.
Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay qoraal uu bartiisa Twitterka ku baahiyey madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu hambalyeeyey Ra’iisul-wasaare Boris Johnson.Waxaanu qoraalka Madaxweynuhu u qornaa sidan:-
“Anigoo ku hadlaya Magaca Xukuumadda Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan ku bogaadinayaa Ra’iisul-wasaare Boris Johnson sida aqlabiyada ah ee uu u guulaystay.
Somaliland iyo Britain waxa ka dhexeeya oo ay lahaayeen xidhiidh taariikhi ah iyo masaalix ay wadaagaan labada dal.
Waxaan rajaynayaa in guushaada iyo hoggaaminytaadu ay kor u sii qaadi doonto xidhiidhka labada dal,”ayaa lagu yidhi Dhambaalka Madaxweynaha JSL u diray Ra’iisul-wasaaraha Ingiriiska.
On behalf of the Republic of Somaliland and its people, congratulations to @BorisJohnson on his overwhelming victory. Somaliland and Britain had historic relations and common mutual interest. Hope this will tremendously get a further boost under your excellent leadership.
— Muse Bihi Abdi (@musebiihi) December 13, 2019