Madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Al-bashiir oo Dib ugu Laabtay Khartuum oo si Weyn loogu soo Dhaweeyay + SAWIRRO

0
816

Khartoum,Β Β  (HargeisaPress) β€”Madaxweynaha dalka Suudaan, Cumar Xasan Al-bashiir ayaa caawa fiidkii dib ugu laabtay xarunta dalkiisa ee Khartuum, kaddib markii uu maanta gellinkii dambe ka dhoofay Waddanka Koonfur Afrika oo ay kusoo wajaheen caqabado la xidhiidha dacwad ay kusoo oogtay Makxamadda Dambiyada Dagaalka Caalamka ee ICC.

Cumar Al-bashiir oo dalka Koonfur Afrika kaga Qayb-galayay shir madaxeedka 25-aad ee Ururka Midowga Afrika oo dalkaas lagu qabanayo, waxaana maxkamadi ay kusoo rogtay amar ah inuusan ka bixi karin dalkaas, inta ay ka Dhageysanayso dacwadaha ay u haysato maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka.

Cheering supporters greeted Mr Bashir at Khartoum airport
Cheering supporters greeted Mr Bashir at Khartoum airport

Hoggaamiyaha Suudaan oo xukumayay dalkaas muddo 25-sanadood ah ayaa waxay ku soo oogtay maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC inuu galay dambiyo Dagaal iyo Gabood-fallo dhanka Xuquuqda Aadanaha ah.

Al-bashiir ayaa Waxay Maxkamadda Dambiyada Dagaalku Baadi-goob ku haysay Lixdii Sano ee lasoo dhaafay, inkastoo aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigto, balse markii uu gaaray Koonfur Afrika ayay maxkamada ICC ka dalbaday xukuumadda Koonfur Afrika inay xidhto Al-bashiir. Inkastoo aysan taasi suuro-gal noqon.

Madaxweynaha Suudaan ayaa gelllinkii dambe ee maanta ka dhoofay saldhig ciidan oo ku yaalla Magaalada Johannesburg, xilli go’aankii Maxkamadda dalka Koonfur Afrika aysan waxba iska bedelin.

An aircraft said to be carrying Mr Bashir takes off from an air base near Pretoria on Monday morning
An aircraft said to be carrying Mr Bashir takes off from an air base near Pretoria on Monday morning

Waa markii ugu Horreysay oo Madaxweynaha Suudaan lagu soo rogo amar ah inuusan ka bixi karin dal Afrika ah oo uu safar ku tagay, Waxaana uu Koonfur Afrika kasoo Dhoofay isagoo aan dhameysan shirweynaha Midowga Afrika uga socda dalkaas.

Ugu dambeyn, Mas’uuliyiinta Xukuumadda Suudaan ayaa sheegay in Xaaladda Al-bashiir ay tahay mid caadi ah uuna Dalkiisa ku sugan yahay, inkastoo uusan weli uusan ka Hadlin amarkii ay kusoo rogtay maxkamadda dalka Koonfur Afrika.

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here