Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Oo La Caleemo Saaray

0
435

Muqdisho (Hargeisa Press): Madaxweynaha cusub ee dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta lagu caleemo saaray magaaladda Muqdisho.
Waxaa maanta xidhnaa dhamaanba Waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa iyo xataa gudaha magaaladda Muqdisho, iyadoona amaanka aad loo adkeeyay, madaxda badan ee caalamka ka socota awgeed.
Caleemo saarka madaxweynaha tobnaad ee Soomaaliya waxaa ka soo qayb galay madaxweyneyaasha iyo raysal wasaareyaasha dawladaha gobolka Geeska Afrika, wadamadda Carrabta, iyo wadamadda caalamka ee Soomaaliya ay saaxiibadda yihiin.
Waxa kaloo xafladda caleemo saarka joogay madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya oo uu ka mid ahaa madaxweynaha dhawaan xilka wareejiyay Maxamed C/laahi Farmaajo, iyo Shariif Sheekh Xasan, iyo raysal wasaareyaal hore u soo maray Soomaaliya.
Madaxweynihii dhawaan xilka wareejiyay ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa mar kale bulshadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud.

DAAWO: Hadalkii Farmaajo:

Sidoo kale waxaa xafladaasi ka hadlay raysal wasaaraha dalka Ethiopia Aby Axmed, oo u mahad celiyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, oo si dhaw ay u soo wada shaqeeyeen mudadii uu xilka hayay.
Khudbado badan ayaana laga jeediyay intii ay socotay xafladaasi caleemo saarka madaxweynaha tobnaad ee Soomaaliya.
Daawo: Hadalkii raysal wasaaraha Ethiopia ee caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya:


Madaxweynaha la caleemo saaray Xasan Sheekh Maxamuud, oo khudbad dheer xafladaasi ka jeediyay ayaa sheegay inuu ka dhabaynayo hal-ku-dhegisii uu ololaha doorashadda ku galay ee ahaa Soomaali heshiis ah, dunida na heshiis la ah.
Waxa kale oo Xasan Sheekh, ka hadlay arrinta wadahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya, oo uu sheegay inuu ka shaqayn doono sidii loo xalin lahaa tabashooyinka jira, isla markaana diirrada loo saari lahaa arrintaasi.
Xasan Sheekh Maxamuud, waxa kaloo uu xusay inuu Somaliland ku bogaadinayo horumarka iyo deganaanshiyaha ay gaadhay.

DAAWO: Khudbadihii Xafladaasi Laga jeediyay:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here