Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Wasiirka Caafimadka Somaliland Ka Tacsiyadeyey Geeridi Ku Timi Aabihi

0
906
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil  (Saylici) ahna ku-simaha Madaxweynaha Somaliland, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, garaadada, boqorada, ugaasyada, salaadiinta, cuqaasha, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  ALLA ha u naxariistee Marxuum Ciise Axmed Kaar oo maanta (15.10.2016) ku geeriyooday magaalada Burco. Waxaanu si gaara uga tacsiyadaynayaa ku simaha Madaxweynuhu, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo marxuumku aabbihii ahaa.

 

Waxaanu ku si feeyey Madaxweyne ku xigeenku Marxuumka oday rug-cada ah oo si weyn uga soo qayb qaatay dib u dhiskii dalka, gaar ahaan xagga Nabadgelyada iyo horumarinta Bulshada Somaliland ku wada dhaqan.

 

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, garaadada, boqorada, ugaasyada, salaadiinta, cuqaasha, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here