Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Hadashay Masuuliyiin Hal Jago Loo Wada Magacaabay

0
911
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxtooyada Somaliland ayaa ka hadashay magacaabis jaahwareerisay dadka oo laba digreeto oo madaxtooyada ka soo baxay loogu magacaabay laba masuul hal jago. Bishii hore ayaa madaxweynuhu agaasimihii guud ee wasaaradda arrimaha gudaha wuxuu u magacaabay la taliyihiisa hay’addaha, balse digreeto habeen hore soo baxday ayaa isla la taliyaha hay’addaha loo magacaabay badhasaabkii Saaxil, iyadoon lagu xusin xil ka qaadista agaasimaha hore, haddaba arrintaasi madaxtooyada ayaa sidan uga hadashay:

 

“Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu halkan ku cadaynayaa in, Abdisamad Cumar Maal, oo ahaa La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah, in si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay ku simaha, garyaqaanka guud ee Qaranka, ka dib markii garyaqaankii guud ee qaranku Mudane Ibraahim Iidle Saleebaan uu deeq Waxbarasho oo “Sannad iyo Badh ah”uu  ugu baxay Dalka Koonfur afrika.

 

 

Sidaa darteed, Af-hayeenka Madaxweynaha JSL, wuxuu qoraalkan ku caddaynayaa in aanay jirin hal xil oo isku mid ah oo uu Madaxweynuhu u magacaabay laba masuul oo kala duwan.

 

 

Ugu danbayntii, Mudane Fahmi Cabdi Bidaar ayaa ah La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah sidii ku cadayd warsaxaafadeedkii kan ka horeyey.”

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here