Madashii Haldoorka Bulshada Kulmisay + SAWIRRO

0
930

Goobtu waa huteelka maamuus ee caasimadda hargaysa,waxa madasha buux dhaafiyay,siyaasiyiin miisaan culus ku leh gobolka geeska africa,madax dhaqameed isugu jira,salaadiin,boqorro,iyo cuqaal,saraakiisha ciidamada qaarkood,masuuliyiin ka socda wasaarradaha waxbarashada,warfaafinta,arrimaha gudaha iyo hay,ado kale,waxaa goobta tiradii ugu badnayd ka joogtay suxufiyiinta dalka mid dawladeed iyo mid maxalli ahba, geesta kalana waxaa doorkooda qaatay bahda hal,abuurka, ma abwaan xildhibaan dheegbaa,ma abwaan haldeeqbaa,ma abwaan weedhsamaa,ma burmadbaa ma xasan maxamed yuusufbaa,haba ka qaban.

 

Xagan kale waxaa tuban culimo doora,dhalinyaradii jaamacadaha,ganacsatadii oo qayb ka ahayd xafladda iyo dhamaan qaybaha bulshada ee kala duwan.

14064296_1523610427665126_8075968421301726538_n

Bilawgiiba waxaa isu dhiibdhiibay makarafoonka weriyeyaal daadihinayay munaasibadda,waxaana la gaadhay xilligii gudashada dhinaca sharciga, markii sheekhu dhameeyayna waxaa madasha lagusoo bandhigay suugaan duco ah,hadalo dardaarana iyo kaftan siyaasadi ka madhantahay oo bilaa turxaana.

 

Quruxda muuqaalada,qiimaha hadalada,quudhista waqtiga,qadarinta iyo xushmadda intaa leeg waxaa loo huray martina loo ahaa xaflad meher oo laysugu guurinayo aqoonyahan da,yar oo bulshadu aad u qadariso kana mida halbeegyada mujtamaca ee ku suntan wanaag qof lagu majeerto waa XUSEEN CABDI CAWIL(FOODCADDE) iyo marwada uu ka calmaday haween marwo BARWAAQO DAAHIR BULAALE.

 

Ugu ducee inay noqdaan qoys hodan ku ah raaxooyinka iyo badhaadhaha ifka iyo aakhiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here