Diyaarad Xamuul Sida oo Xalay Habeen Badh Ka Degtay Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa + SAWIRRO

0
1358

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxaa xalay saqbadhkii soo cago dhigatay Gagada Diyaaradaha ee Cigaal International Airport Diyaarad Xamuul sida oo nooceedu yahay AN 24, taas oo u rarnayad muwaadiniin reer Somaliland ah.

 

Waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Cusub ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe, Iyo Agaasiamaha Guud ee Wasaarada Duulista Cumar C/laaai Aadan, hadal kooban oo ay saxaafada ku siiyeen goobtaas ayaa waxa ay baaq ugu direen Diyaaradaha Adeegsada Madaarka Hargaysa iyo kuwa aan Adeegsanba, in ay ku soo dhiiradaan sidii ay u isticimaali lahaayen Habenkii Madaarka.

dul

Agaasimaha Guud ee Duulista Cumar Zayid oo ugu horaya faahfaahin ka bixiyey qaabka ay u degtay Diyaaradu ayaa yidhi:-“ Caawa oo ay Taariikhdu tahay 25.08.2016 Saacadu aya tahay 3:50 AM, waxaa Gagada Diyaaradaha ee Hargaysa ka soo degtay Diyaarad AN 24 oo ka soo kacday Dalka Itoobiya ee garana haan Caasimada Dalkaas Adisababa, oo Dad Muwaadiniin Reer Somaliland ah Allaab u siday Diyaaradaas si Nabad ah ayey u soo fadhiisatay, Halkan waxaa ku sugan Wasiirkii cusubaa ee Wasaarada Duulista Farxaan Aadan iyo Agaasime Siciid Mahdi Ileeye, Maamulaha Madaarka Maxamed Yuusuf iyo Hawlwadeenadii Madaarka, dhamaan waxaanu ku faraxsanahay, In Madaarka Cigaal International Airport uu diyaar u yahay in Habeenkii la Adeegsan karo, oo Duulimaadyadu ka kicikaraan iyo Maalintiiba.”

14079918_1748579388692678_5131601151688151719_n

Wasiirka Duulista oo fariin dhiiri galin ah u diraaya Diyaaradaha ayaa yidhi:-“Runtii farxadweyan ayey noo tahay iyo qiimo weyan, in ay caawa suuro gasho horrena Adeega suuro galinaaya in Diyaaraduhu habeenkii ku dagaan Madaarka loo suuro galiiyey, Cawana tijaabo fiican aya u tahay, anaga oo ku dhiiri galinayna Diyaaradaha, kuwa nala shaqeeya iyo kuwa kaleba, in aanu sii tayeyan doono, in ay habeenkii shaqadu ay suuro gasho, oo caawaba aad arkaysaan sida agaasimuhu sheegay Diyaarada Saacadaa soo degtay, sidaa Agaasimuhu sheegay, waxa kale oo muhiim noo ah oo aan u mahad celinayaa, Madaxda iyo Saraakiisha kala duwan ee Wasaarada, min Agaasime Guud ilaa waaxyaha, ilaa Maamulaha Madaarka, ilaa shaqaalaha u hooseeya, ee Saacadaas heegan u ah in ay suurto galiyaan, in Diyaaradaasi agabkaas ay keentay loo fudeediyo Muwaadiniintii lahayad.”

duli

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here