“Madaarka Laascaanood, Waxa ku xigidoonta oo aynu furidoonaa intaanu Xagaagu bilaabmin, oo aanu dib u furidoonaa Madaarkii caanka ahaa ee Berbera, ”Wasiir Cadaani

0
960

Hargeysa, (HargeisaPress) — Shirkii loo qoondeeyay in ay yeeshaan Shaqaale weynaha Madaarka Cigaal International Airport iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Duulistu Bilwalba Kamiista ugu danbaysa, ayaa maanta ka dhacay Hoolka dhoofayaasha ee Madaarkaasi, waxaa Shirkan ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cismaan C/laahi Saxaradiid (Cadaani) Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Cumar C/laahi Aadan, Agaasimaha Guud ee Banka dhexe C/laahi Xasan Aadan, Madaxa Suuqgayanta Shirikada Telesom C/raxmaan Aar, Mahaamulaha Madaarka iyo Kuxigeenadiisa Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Duulista, Madaxda Shirikadaha Madaxabanaan ee ka hawal gala Madaarkaas iyo Maamulaha Kastamka Madaarka, Taliyayaasha Laanta Socdaalka iyo Saldhiga Madaarka, waxaana ugu horay halkaasi ka hadlay Maamulaha Madaarka Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo yidhi”

madaarka 2

“Shirkeenan iyo nuxurkiisu waa Shirkeenii caadada ahaa, ee bilkasta Khamiista ugu danbaysa ay ku dardar galin jirnay Hawlaha Shaqada ama ku kala war qaadan jirnay,”

“waxaan idinku war galinayaa in aanu magnuucnay, oo anigana ku dhahoo Agaasimaha Guudna ha ahaadee aanay jirayan cid Gaadhi Beersol lahi oo gudha Madaarka soo galaysaa, aniga oo ka faaiidaysnaya fursadan war baahinta, waxaan leeyahay yaan lagu soo talo galin gaadhi beersol lahi in uu Madaraaka soo galo.”

mad 3

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Cumar Zayid oo isna halaaka ka hadalay ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa:-

 

“Runtii aad iyo aad ayaan idiinku mahad naqayaa sida aad uga soo qayb gasheen kulankan muhiimka ah, oo sidii maamuluhu sheegay Bilwalba aynu qabano Khamiista ugu danbaysa, oo aynu isugu sheegno hawlo aad iyo aad muhuum ugu ah qaranka, ama Wasaaradan iyo adeega aad u haysan Mushtamac balaadhan ee gaal iyo Muslinba leh, ee Jamhuuriyada Somaliland u soo socdaala.”

mad 5

Agaasimaha Bank C/laahi Xasan Aadan ayaa isna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ka soo qayab galka shirkan oo yidhi:

 

“ waxa maanta farxad noo ah in aanu ka soo qayb galno, Shirka Bisha dhamaadkeeda ay gasho Wasaaradda Duulista iyo Hawad, waxaan Wasaaraadda ku amaanayaa markaan eego Wasaaradaha kale iyo Arimuhu sida ay yihiin, in ay kulankan oo kale ay qabsadaan, kulankani waxa uu faa’iido u yahay, is Waraysi iyo in ay ka soo baxaan kulaba Talaabada hore loo qaadayo, iyo maxaa qaldan iyo halkee aynu u soconaa, taa waan ku Amaanayaa Wasaaradda, waxan kale oo maanta Wasaaradda ku amaanayaa, iyo Madaxdeeda, oo uu Cismaan ka mid ahaa markii uu Wasiiru Dawlaha ahaa, waliba intiii aanu bilaabin Sixir bararku Wasiirka kali ah ee naga Waraysta heerka Shilka Somaliland iyo Doolarku isla marayaan, tartan ayaa ka dhexeeya Shilinkeena iyo Doolerka, taynu maanta u fadhinaa waxa weeye in uu Shilinku guulaysto, oo uu sareeyo, waxaynu maanta halkan u fadhinaa in aynu qaybta kaga aadan Wasaarada Duulistu Shilinkii, oo Wasaaradu ay soo jeedisay, in maanta halkan aynu ka bilowno, Qof kasta oo Wasaaradda Duulista ka midi waa inuu xisaab ka furtaa Bank S/L, halkii ay Khasnajiyadu ka soo qaadi jirtay, Lacagtii la soo Xamaalayey ma jirayso, xisaabtaas macnaheedu waxa weeye in Shilinkii lagu isticimaalo oo lagu aamino halkii loogu talo galay.”

mad 2

C/raxmaan Aar oo ah Madaxa Suuqgayanta Shirikada Telesom ayaa sheegay in ay ka Shirikad ahaan fulinayaan go’aamo ay gaadhay Xukuumadu, waxaana uu yidhi:

 

“sharaf weyan ayey runtii noo tahay in aanu idin kala soo qaybgalno Shirkiinii bilaha ahaa, maaha Shirkii 1aad ee aanu idin kal soo qaybgalno Shaqaalaha weynaha Wasaaradda Duulista gaar ahaan Shaqaalaha Madaarkaga Cigaal International Airport xidhiidhweyan ayaa u dhexeeya Telesom iyo Wasaaradda , taas ayuunbaan qabaa in ay runtii maatana daba socoto ,”

mad 6

“hadaan runtii u soo gudo galo arinta maanta halkan la isugu yimi, Shirikad ahaan aad ayaanu u soo dhaweynaynaa dalabkii naaga yimi Wasaaradda Duulista iyo Bank Dhexe, oo uu hormood ka yahay Wasiir Cadaani, Adeega Zaad maaha wax bilow bilse waa adeeg in badan aynu soo isticmaalaynay, Somaliland sharaf weyan u ah oo ay ku faanto Lacagtiina sida naloogu kiin soo dhiibo ayaanu runtii jecelahay in aanu idiinku soo dirno, Qof kasta xadiga Lacag ah ee Wasaaradu u soo dirto ayaa loogu soo diri doonaa adeega Zaad.”

 

Wasiirka Duulista Hawada Cadaani oo isgu qudbad uu halka ka jeediyey dhinacyo badan kaga hadlay ayaa waxaa hadlkiisii ka mid ahaa:

cad

“waxa weeye waa Shirkii caadiga ahaa Bilwalba shir ayeynu galnaa Khamiista bishaa ugu danbaysa, sadexdii Biloodba, Bil waxaa leh Shaqaalaha oo hadla labana Wasaaradda, tani waa tii Wasaaradda iyo Dawlada waxyaabihii ku soo kordhay aanu kaga hadlaynay, waxaynu nahay Wasaaradda koraysa , oo sida aad ka war haysaan Diyaarda la yidhaa Ocean Airline, waxa ay shaqadeedii u horaysay ka bilowday Wiigii Dhawaa Nairobi, Xamar, Hargaysa, Laascaanood, Dadka Reer Laascaanood ama dibad ha ka yimaadeen ama Hargaysa ha ka tageene Diyaaradaas Quruxda Badani wiigii laba jeer ayey fadhiisanaysaa, Dadweynaha Reer Laascaanoodna aad ayey u soo dhaweeyeen, Qorshaheena ah in Madaar waloo Dalkani leeyahay in uu furmo ayeynu, tii ugu horeysay ka dhignay in aynu furno Madaarka Laascaanood, waxa ku xigidoonta oo aynu furidoonaa intaanu Xagaagu bilaabmin, oo aanu dib u furidoonaa Madaarkii caanka ahaa ee Berbera, Taana hala ogaado oo reer berbera niyada ha galiyaan, Xayandaabka Madaarka Boorama marka uu dhamaado, isgana waynu furidoonaa, iyo ka Ceergaabo, iyo kan Burco ee Lacagtu ugu Jirto Miisaaniyada.”

 

“hadaan u soo gudbo qodobka maanta aynu halkan isugu nimi oo aan ka mid ahay Gudigii uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilanyo), sidii loola Dagaalami lahaa Sixirbararka, Gudigaasi waxaa hogaaminaya Madaxweyne ku xigeenka Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), waxa ku jira Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka arimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyada, Guddoomiyaha Banka iyo Agaasimaha Guud ee Bank , Nin Dhaqaale yahan ah oo Maxamed Samater la yidhaado, iyo Aniga Wasiirka Duulista Gudigaasi intaas ayey ka kooban tahay, waanu shirnaa Daraasado badan ayaa socda, Daraasadahaasi waxa ay ku salaysanyihiin in la kobciyo la kor qaado Shilinka Somaliland.”

 

Wasiirku waxa uu sheegay in Daraasadahan ay uga soo baxeen, in aan habayaraatee Dalaka wax Sixir barar ahi ka dhicin balse ay jirto Bulshada Somaliland oo nacada Lacagteedii taasna ay sababtay in Doolarku heerka uu doono gaadho, sidoo kale waxa uu intaas ku daray Wasiirku in markii ay Doolarka hoos u dhigeen ee uu jabay qaar ka mid ah ganacsatada Wadanku ay Maceeshadii kiciyeen, waxaanuu soo jeediyey kuwaa in meel looga soo wada jeedo.

 

Wasiirku isaga oo ka hadlaaya qorshayaal cusub oo ay soo saareen si Shilinka Somaliland u socdo ayaa waxa uu yidhi:-
“qodobada waxa ka mid ah Qof kasta oo Shaqaalaha Somalilnd ka mid ahi uu qaato Shilinka S/L, Qof kasta oo wax iibsanayaana uu wax ku iibsado Shilinka J/S/L , haduu Bakhaar yahay iyo haduu Hudheel yahay, iyo hadaad Baabuur Kiraysanayso iyo hadaad Guri kiraysanayso, iyo hadaad Baalsha ku bixinayso ama Caday iibsanayso in aad shilinka Somaliland ad ku bixiso, waa in uu shilinku wareegaa,”

 

“waxaanu idiinku badalaynaa oo Banka dhexe idiinku badalayaa Suuqa inta uu ka joogo, laakin waa inagu waajib in aynu lacagteena tayeeyno, oo Qaranimadeena tayeeyno oo Dadnimadeena tayeeyno, aad iyo aadna waan ugu faraxsanahay oo waan ku faanayaa in ay noqoto Wasaaradii Duulistu ta ugu horaysa ee hawshaas fulisa, Wasaarada oo qudha maaha ee iyaguna Shirikadaha Madaxa banana ee halakan ka Shaqeeya haday NASHA tahay iyo haday tahay SRM way nala qaateen waxa ay mushaharka ku bixinayaan Shilinka Somaliland .”

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here