Maayarka Laascaanood Oo Ka Warbixiyay Waxyaabihii U Qabsoomay iyo Wacyigelinta Bulshadda Ee Corona Virus

0
675

Laascaanood (HP): Maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, ayaa ka warbixiyay mashaariicdii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay sanadkii tegay ee 2019-ka iyo waxyaabaha u qorshaysan sanadkan aan ku jirno ee 2020-ka.

Waxaanu sheegay in sanadkii hore ay magaaladda Laascaanood ka fuliyeen shan iyo toban mashruuc oo kala duwan, kuwaasoo qaarna ay hirgelisay dawladda hoose ee Laascaanood, halka kuwa kale-na ay maalgeliyeen xukuumadda dhexe ee Somaliland iyo hay’ado caalami ah.

Maayar C/casiis Xuseen Taarwale, oo shalay xafiiskiisa ugu waramay weriye Siciid Maxamed Askar, oo ka tirsan wargeyska DAWAN, waxa kaloo uu sheegay in mashaariic fara badan oo sanadkan u qorshaysnaa in la fuliyo ay dib u dhaceen, xanuunka aduunka aafeeyay ee Corona Virus awgii.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Laascaanood sanadkii dhamaaday ee 2019-ka, waxaa laga qabtay 15 mashruuc. Mashaariicdaas qaar-na dawladda hoose ayaa maal-gelisay, qaar-na xukuumadda dhexe iyo hay’adaha caalamiga ah oo iskaashanaya ayaa fuliyay.

Sanadihii ka horeeyay-na wax baa la qabtay. Laakiin, sanadkaa 2019-ka waxa uu noogu suntan yahay sanadkii waxqabadka degmada Laascaanood.

“Sanadkan 2020-ka waxaa noo qorsheys-naa oo diyaar ahaa 12 mashruuc in aanu fulino, balse waxyaabo aan lagu talo-galin baa dhacay oo adduunkii saameeyay, oo xanuun baa ka dilaacay caalamkii. Mashaariicdana maaliyad baa lagu qabtaa, adduunka-na dhaqaalihii oodhami hoos buu u dhacay, sida ay xaaladdu noqon doonta-na ILLAAHAY baa garanaya” ayuu yidhi maayarka Laascaanood.

C/casiis Xuseen Taarwale, waxa kaloo uu ka sheekeeyay mashruucda JPLG oo sanadkan Laascaanood lagu daray magaalooyinka laga fulin doono meelaha ugu miihsan ee ay wax kaga qabanayaan.

“Mashruuca JPLG-gu waa mashruuc faa’iido u leh bulshada, mashaariicdaa badan ee aanu soo qabanay iyadoo aanu JPLG jirin ayay hirgaleen, hadduu JPLG jiri lahaa  waxaan filayaa inay kasii badnaan lahaayeen.

Markaa mashruuca JPLG waxaanu daah-furnay bishii January ee sanadkan, haddii uu hirgalo sida qorshuhu yahay wuxuu wax ka qaban doonaa arrimo badan oo ay ugu horeeyaan kaabeyaasha dhaqaalaha. Sida waddooyinka, sarriibaddaha iyo waxyaabo badan oo bulshadda waxtar u leh.

Markaa waxaan odhan karaa JPLG waa mashruuc soona daahay, naga-na maqnaa, maanta-na noo yimi, waxaananu ugu mahad naqaynaa ILLAAHAY SWT,  ka sekaw madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo la’aantii mashruucani aanu socdeen, wasiirka arrimaha gudaha, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha iyo agaasimaha guud wasaaradda daakhiliga iyo guud ahaan cid kasta oo hawshaa gacan ka gaysatay.

Waxaananu rejaynaynaa in mashruucaa JPLG uu bar bilaw u noqdo horumarka guud ahaan degmada Laascaanood”.

Waxa kaloo uu sheegay maayarku in mashaariicda sanadkan ka hirgalay Laascaanood in uu ka mid yahay dhismaha xarunta Dab-demiska oo hadda gebogebo ku dhaw. Waxaanu yidhi, “Dabdemisku oo ka mid ah mashaariicdii sanadkii 2019-kii noo qabsoomay.

Waxaana hadda socda dhismihii xarunta dab-demiska ee Laascaanood oo gebogabo ku dhaw, dhismahaasina waa dhisme casri ah oo aan odhan karo xarunta dhismaha dab-demiska ee caasimadda mooyee waa ka ugu casrisan dhismeyaasha dab-demiska.

Waxaananu xadhiga ka jari doonaa bisha Ramadaan ka dib. Sidoo kale waxa iyagu-na tababarkii shaqada dab-demiska ku maqan dhalinyaradii loo qaatay hawshaas, waxaanan rejaynayaa ciidankii oo soo dhamaystay tabobarkoodii iyo xaruntii oo dhismaheedii dhamaaday inay isku beegmi doonaan.”

Geesta kale C/casiis Xuseen Taarwale, waxa uu ka hadlay sida ay degmo ahaan uga hawl galeen, bulshadana uga wacyigeliyeen ka hor taga xanuuka Corona Virus, oo dhawaan dhawr qof laga helay gudaha Somaliland.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Xanuunka COVID-19 sida aynu wada ognahay adduunka oo dhan wuu saameeyay, ka  degmo Laascaanood ahaan hawsha xanuunkaa waanu u diyaar-garawnay, hawlaha aanu qabanay waxa ka mid ah wacyi-gelin oo aanu bulshada ka wacyigelinayno khatartiisa iyo inay raacaan tallaabooyinka lagaga hortagayo.

Waxaanu xidhnay goobo badan oo la iskugu iman jirey sida garoomadii kubadda, meelaha kalena waxaanu ku wargelinay inay dadku kala durkaan. Sidoo kale waxaanu qaadnay ol’ole nadaafaddeed oo aanu maalmihii u dambeeyay wadnay oo aanu xanuunkaa kaga hortaganayno”.

“Dhinaca kale Somaliland meeshii ugu horeysay ee laga hirgeliyay qalabka lagu faraxasho ee nadaafada intii xanuunkani soo ifbaxay waxay ahayd magaalada Laascaanood.

Waxa kale oo aanu xakamaynay gaadiidkii oo isu socodkii wuu yaraaday, waananu wadnaa intii karaankayaga ah. Sidoo kale waxa aan u soo jeedinayaa dadweynaha magaalada Laascaanood inaanay soojeedimaha iyo go’aamada guddida ka hortagga xanuunka COVID-19 ee heer qaran, heer gobol iyo heer degmaba aanay u qaadan wax dan gaar ah laga leeyahay, balse waa badbaadada naftaada, qoyskaaga iyo qarankaba, isla markaana ay sidooda u qaataan, una fuliyaan.”ayuu yidhi maayarka Laascaanood.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

Xigasho:DAWAN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here