Maayarka Hargeysa iyo Komishanka Doorashada Oo Isku Mari Waayay Furista Jid Muhiim Ah

0
918

Hargeysa, (HargeisaPress) — Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelko, ayaa ku guul darraystay dedaal uu ku doonayay inuu ku furo Waddo muhiim ah ooh or marta Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Kulan Saacado badan qaatay ayaa Duqa Hargeysa iyo Guddida doorashada ku dhexmaray Xarunta Komishanka kaasi oo ku saabsanaa sidii la iskula fahmi lahaa Furista Jidkaasi muhiimka u noqday isku socodka Gaadiidka kadib markii jidadka Hargeysa wax laga bedelay.

Kulankaasi Markuu dhamaaday waxaa ka soo baxay Maayarka Hargeysa oo Suxufiyiinta oo afaafka Komishanka ku sugayay Baas mareeyay islamarkaana ku gacan saydhay dalabkooda ahaa inuu faahfaahin ka siiyo waxa uga qabsoomay rabitaankiisa ahaa furista Jidkaasi xidhan.Maayarka oo laga dheehanayay Wajigiisa cadho badan ayaa si degdeg ah u dhaafay wariyeyaasha.

Jidkan oo Muddooyinkii u dambeeyay ay ku xanniban yihiin Sagbado waaweyn oo wadada lagu jaray ayaa loo baahday markii Wasiir Warancadde Jidadka Hargeysa isku bedel ku sameeyay islamarkaana Jidka Madaxtooyada ka dhigay mid dhinaca Galbeed loo mari karo sidoo kalena Jidka mara Dhakharka weyn dabadiisa mid Bariga loo maro.arrintan ayaa keentay kala fogaanshaha Jidadka,iyadoo loo baahday jidkan oo isna mari lahaa koonfurta  Komishanka.

Komishanka ayaa  furitaanka Jidkan u diidan amaankooda iyo Saxmadda ka dhalanaysa Wadadan oo laga yaabo inay xilli walba Mashquul noqoto maadaama Komishanku ku yaalo Gobolka oo ah Meelaha Xarumaha dawladdu kubadan yihiin,shaqo badana ka socoto.

Lama Oga Qorshe kale oo Maayar Soltelco ku xallin doono Saxmadda Hargeysa iyo Caqabaada ka timid kala fogaanshaha Jidadka oo inta badan dadka qaar dhib ku noqday halka dadka Basaska adeegsadana wakhti dheer u Lugeeyaan Meel ay Baska ka raacaan.

Mudooyinkii u dambeeyay ayay soo baxayeen arragtiyo odhanaya in Awoodaha Dawladda hoose uu la wareegay Wasiiru daakhiliga oo amaro door ah ku soo rogay Jidadka iyo Magaalooyinka waawayn bilicdooda. Maayar Soltelco ayaa hore u sheegay in lagu degdegay Qorshaha jidadka la iskugu bedelay.

 

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here