Xukumadda Somaliland Oo Sababaysay Siidaynta Markabka Shaakir iyo Hubka Saarnaa

0
963

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa Β go’aamiyay in la sii daayo Markabka MV-Shaakir iyo Hubka saarnaaba kadib markii dhambaal lagu sharaxayo Arrinta Hubkaasi uga yimid Madaxtooyada Suudaan oo sheegatay lahaanshaha Hubkaasi.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, Β ayaa sheegay in Madaxweynaha Sudaan Cumar Al-bashiir Qoraal u soo diray Madaxweyne Siilaanyo,waxayna dawladda Sudan sheegtay inay leedahay Hubka Markabku sido, islamarkaana uu yahay Hub loo waday Carwo hubka lagu soo bandhigayo oo Dubai ka dhacaysa 22-26-ka bishan. Waxay Suudaan meesha ka saartay in Hubkani ganacsi ku lug leeyahay iyo in cid gaar ah loo waday.

“Markabkii soo galay sidii Wasiirka Daakhiligu u sheegay wuxuu siday Hub, waanu qabanay hubkii,waanuna eegnay,Wasaaradda daakhiliga,Sirdoonkeeda iyo Dawladdeenu xil bay iska saartay waxaanay soo xaqiijisay siday xaqiiqadu ahayd, markaanu ku kalsoonaanayΒ  warkii xaqiiqda ahaa,waxaa Somaliland soo xidhiidhay Madaxweynaha Sudan, waxaanu xaqiijinay in Markabkaasi ku socday Dubai iyo Macradkeeda, markaanu hubinay ee xaqiijinay ee Hay’addihii caalamka u sheegnay, ee Madaxweynihii Sudan noo soo sheegay in Markab 8 Shay oo kala duwan ah siday kuna socday Dubai, Macradkii iyo Dubai-na aanu la xidhiidhnay iyana nala soo xidhiidheen ee Wasiirkeena daakhiligu xaqiijiyay Madaxweynaha Somaliland waxa uu goostay inuu tixgaliyo warqaddii Cumar Al-bashiir soo diray, sidaas awgeed ayaanu u fasaxnay Markabkii” ayuu yidhi Wasiir Biixi.

Wasiirku waxa uu sheegay in Sudan tahay Dawlad ay Somaliland yihiin walaalo islamarkaana Cilaaqaad wanaagsani ka dhexeeyo,sidaasi darteedna Markabkaasi laga dhaafay Dacwadii iyo Ganaaxii lacageed ee Maxakamadda Saaxil ku xukuntay

Wasiirku waxa uu sheegay in Markabkaasi sida ugu dhakhsaha badan uga ambabaxayo Dekedda Berbera iyadoo dib loo saarayo Hubkii Xukumaddu Habeen hore ka dejisay.

 

 

HargeisaPress News DeskΒ  β€” Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here