Maamulka Soomaaliya oo Ka Biyo Diiday War-murtiyeedkii Laga Soo Saaray Wadahadalkii Ay Dowlada Somaliland Ku Wada Yeesheen Jabuuti

0
1978

Muqdisho (Hargeisa Press)- Maamulka Soomaaliya ayaa waxaa ay ka biyo diiday war-murtiyeedkii laga soo saaray shirkii wadahadalada ee u dhexeeyay Dowladda Somaliland iyo Maamulka Soomaaliya.

Maamulka Soomaaliya ayaa ka hor-timid ereyo dhowr ah oo ku qoran war-murtiyeedkaasi, Ereyadaas ay ka biyo diiday waxaa ka mid ahaa labada dal, labada shacab, iyo Soomaaliya iyo Somaliland, iyo arrimo kale.

Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada maamulka Soomaaliya Cabdinuur Maxamed, ayaa sheegay in aanu jirin weli Warmurtiyeed laga soo saaray shirka Jabuuti ee dowladda Somaliland iyo maamulka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka laga soo saaray shirka ayaa ahaa mid sax ah oo aan la been abuurin, waxaana saaran shaambadda wasaaradda arrimaha dibedda Jabuuti.

Hase yeeshee agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada ee maamulka Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in la baahiyey war-murtiyeedkaasi iyada oo ayna ogolaan maamulka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here